wardoon.tripod.com

ku soo dhawoow shabakada wardoon.tripod.com

[an error occurred while processing this directive]

guryaha maka

qaamuus english

Somalitalk.com

Aqoonkaal.com

Somalidoctor.com

Somalilandedu.com

Allgedo.com

Batalale.com

Burao-online.com

Awdelnews.com

Baligudle.com

Redsea-online.com

Warqabad.com

Somalinet.com

Somalimedia.com

Wordsom.com

Wariye.com

Somaliweyn.com

Qaranimo.com

Qorahay.com

Islamic Links

Qaandisiya.com

Addacwah.com

Altaqwaa.com

Boqolsoon.com

Quran.com

Suugaan Links

Aftahan.com

Golkhatumo

Doollo.com

Hoyga suugaanta

Wararka

bbcsomali.com

qudus

aljazeera

alarabiya

Jazeera.net

BBCsomali.com

Dayniile.com

Golisnews.com

Sooyaal.com

CNN.com

Skynews.com

Somaliweyn.com

Audio

BBC-Somali 11:00

BBC-Somali 14:00

BBC-Somali 18:00

Radio Hargeisa

Radio Horyaal

Radio Shabeele

Radio Waaberi

Radio Golis

Radio Somaliland

Warya Tv

Dhacdo la yaableh oo ku dhacday wiil soomaaliyeed

 cabdi xuseenWQ:Cabdi Xuseen Ugaas
Nairobi,Kenya
Email:hanwayne@hotmail.com


waxaan goob joog ka ahaa dhacdooyin dhowr ah oo ka dhacay caasimada xamar ee mogadisho dhacdooyinkaas ayaa waxaa ka mid ahaa maalintii ciidamadii maxkamadaha islaamka looga itaalroonaaday dagaalka ay la galeen ciidamada itoobiyaanka kaas oo ka dhacay caasimada xamar ee magaalada muqdisho.

maalintii ay maxkamadaha dagaalliyaanadooda ay faarujiyeen dhufeesyadii ay kaga jiraan dagaalka ayaa maalintii xigtay waxaa xaafadaha oo dhan ku soo qamaamay ciidamada itoobiyaanka iyo kuwa dowlada fadaraalka soomaaliya hadaba intii ay wadeen howl galada ayaa waxaa lasoo qabtay wiil da'diisa lugu qiyaasay 21 jir kaas oo dhinaca dhabarka kaga taalay dhibaato ay ugaysteen ciidamada itoobiya kagadaale markii uu damcay in uu cararo..

hadaba sidee wax u gaareen wiilka maxuusa galabsaday markii dhibkaas gaaraayay.... la soco qaybta 2aad

Q.2aad wiilka ka hor inta aan la wax yeelayn ayuu wiilku ka biya diiday amar kaga yimid mid ka mid ah taliyaha ciidanka kaasoo ku amray wiilka in uu san isku dayin in uu cararo ama uu baxsado taasna wiilka waa u cuntami waysay.

intaas kadib wiilka ayaa isku dayay in uu ka boodo gurigooda guri u dhow kaas oo ahaa cooshad ama jiingad wiilkiina wuxuu haminaayay waa u hirgaleen laakiin nasiib xumo wiilka marka uu boodaayay ama uu baxsanaayay gadi kale xaafad ma uusan ku xisaabtamayn qorshahana uguma jirin dhinaca kalana ciidan kale ayaa jooga laakiin wax kasta waxay is badaleen markii aan ka war helnay wiilkii mudda ka yar 30 daqiiqo aan ku ogayn caafimaad iyo ladnaanta oonna loo keenay wiilkii oo xabin kamid ah xibintiisa ay ka maqantahay taas ayaana nugu abuurtay fajac iyo wareer

hor allaa.. anaka iyo wiilkiiba waxaa naloo kaxeeyay dhinacaas iyo xarunta xisbiga inta aanan gaarin xarunta xisbiga ayaan aragnay hooyo da.deeda lugu qiyaasay 64jir oo meesha taalo markaas ayaan go aansanay in haddii aan ugacan galnay nimanka xataa maamadaas dilay in aanan sinaba uga fakanayn maamada ayaa tiilay isgoyska cali kamiin taas waxaa ka sii darnaa marka aan aragnay nin xaafadha mogadisho oo idil laga yaqaano oona lugu magacaabo ( jeemis) kaas oo deegan u ahaa isbartiibo ilaa xarunta xisbiga.

jeemis ayaa laga bixiyay laba diisa indhood kadibna la agdhigay meel aan sidaas uga fogayn madaxiisa taas ayaan mar labaad nugu abuurtay naf ka samrid iyo nolol gabagabadeed markii anakoo dhan nalku shubay xarunta xisbiga ayaa waxaa halkaas nugu soo buuqday afhayeenka dowlada fadaraalka soomaaliya mr....... salaad cali jeele..... salaad ayaa noogu hanjabay warar aan u cuntamin maxaabiista hadaba salaad ayaa ka jeediyay halkaas qudbad gaaban gabagabadii qudbada ayuu kusoo afjaray .....dhamaantiin hala galo sufuuf saf kadib ayuu salaad yiri....(saleemaan iyo cayr iyo duduble dhinac mara ) ( carab iyo dir iyo daarood iyo reer abgaal adinkana dhinaca mara.)

warkaas markii uu salaad sheegay ayaa la waayay qof aado dhinaca qabaailada hore oo micna ahaan uu kawaday waa nimanka laga harsan waayay lagana hoyan waayay intaas kadib ayaa maxsharka waxaa lakeenay nin wadaad ah oo qaab ahaana lugu tuhmay in uu xariir la leeyahay muqaawamada ninkaas ayaa anaka horteen lugu baaray dhinac walbaba ninka ayaa gabagabadii la baaray mobilkiisa baaris kadib ayaa mobilka laga helay lacag gaarayso ilaa 80$taas wadaadka waxaa u wehlisay in uu magac ahaana lugu arkay areyada ay kamid yihiin ( abuu raxmaan iyo abuu ansaar iyo abu ladiif) mar allla markii taas ay dhacday ayaa ninkii loo gudbiyay meel aan sidaas uga fogayn halkaan anaga aan habeenkii seexan rabnay ama aan baryi rabnay laakiin dhibaatada ugu xumayd waxay ahayd markii wadaadka aadaarkiisa aan ka seexan waynay ama aan ka fadhin waynay wadaadka ayaa ku dhawaaqaayay war ii gargaaro ilaahay ha idin gargaaree nin soomaali ah laakin katirsanaa ciidamada itoobiya ayaa noo sheegay in ninka lugu garaacaayo (balaastiig) kaas oo looga talagalay in loo isticmaalo qof alla qofkii kasoo horjeesto awaamiirta ciidamada itoobiya wadaadka ayaa naloo sheegeegay ugu danbayn in uu ku geeriyooday maqaamkii lugu jirdilaayay.

hadaba aqristow mamalayn kartaa qaabka aan kusoo baxsananay ama aan kuu soo bad helnay................La soco qaybta 3aad.

WQ:Cabdi Xuseen Ugaas.
Nairobi,Kenya.
Email:hanwayne@hotmail.com
Faafin :wardoon.tripod.com 31.january.2008

FG: fikrada qoraalkani waxay gaar u tahay qoraaga ku saxiixan oo kaliya:

Qudhaanjo dad cun ah
ibraahin mahamed hassan
khaladkii ugu waynaa ee cadaalada
james
Benazir bhutto oo la dilay
benazir bhutto oo la dilay
Karim in Swedan
Karim in swedan
waraysi: actorka shahrukhan
atooraha shahrukhan akttarka shahrukhan: aabahay waxa uu akhrisan jiray kitaabka quraanka aniga sidaas ayuu igu bar-baariyay sii akhri
hargeysa, somaliland
buurta naaso hablood
KALLUUN DABATO
Kalluunku waa nafley dhiiq-qabow oo jaadad badan ah oo biyaha ku dhexnool; wuxuu lee yahay laf-dhabar iyo xubin la yiraahdo qoonbiyaal ama waaf oo uu ka neefsado iyo dhego yaryar. Qaar waa yaryar oo waa kalluunka dhabta ah sida tarraaqad iyo tebadiin, qaarna waa waaweyn sida libaax-badeedka iyo kuwo kale sida neberi iyo geelmaanyo.. sii akhri
Xoolaha iyo dhaqaalaha
wadanka Somaliland dhaqaalaha ugu badan ee uu ku tiirsan yahay waa xoolaha nool: noocyada xoolaha waxaa ka mida Geela, Loda, Adhiga, Iwm, waxa loogu jecel yahay Geela oo isagu ah kan ugu adkaysiga badan uguna manaafacaadka badan Sii akhri
Maxaa saamayn ku yeesha caafimaakda qofka?
Caafimaadka bulshada guud ahaan iyo gaar ahaan ayaa si wayn waxa uu ugu xidhan yahay habdhaqanka qofka shaqsiga ah, taasoo qofku ku noolaado caafimaad qab hadii habnololeedkiisu wanaagsan yahay ama uu xumaado hadii habnololeedkiisu xun yahay... Akhri

fanaanad Nimco yaasiin caraale:
nicmo yaasiin caraale Fanaanada nimco yaasiin caraale oo noqotay Burcad jaamac xirsi: sii akhri
dhirta iyo manaafacaadsigeeda
Dhirtu waxay inoo leedahay manaafacaad faro badan, haday ahaan lahayd xaga nolosha oo aynu quudano iyo xaga dhaqaalaha oo aynu ka ganacsano. sii akhri
Baafin: shugri axmed xirsi
xaliimo axmed xuseen: baafin
Xaliimo Axmed Husein
Sheeko: nimaad dhashay kuma dhalin!
Bil iyo badh ayaa ka soo wareegtay geeridii Idiris xaaskiisa, wuxuuna galabtaa dhex fadhiyay daarada gurigiisa: Aabo war-moogey, markaan ku arkaba hooyadaa ayaa qalbigayga ku maaxaysa. sii akhri
Xuquuqda boggani waa ay xafidan tahay © http://wardoon.tripod.com