![]() ![]() ![]()
|
Islamic LinksSuugaan LinksWararkaAudio |
Qudhaanjo dad cun ah oo dalka brazil wareer galisay
Sida ay ku waramayaan ilaha warbaahinta dalka Brazil qudhaanjo ah nooca hilibka cuna ayaa dhawaan waxay ka dhalatay dhirta waawayn ee wabiga jiinkiisa ka baxda ee deegaankaasi taasi oo si ba’an ugu faaftay deegaankii dhulbeereedka ahaa ee wabiga u dhawaa oo dhan, waxaana sida ay dadka beeralayda ah ee deegaankaasi ku nool ku waramayaan markii ugu horaysay ee ay qudhaanjadan dhibaatadeeda dareemeen ay ahayd, markii ay waayeen xasharaadkii iyo xawayaanadii yar-yaraa ee beeraha ka cuni jiray, kuwaas oo wixii ay ka arkeen ay ahaayeen Jiirar, jiriqaa, iyo xamaaratooyin dhintay oo si wayn ay qudhaanjadani ugu urursan tahay. Markii qudhaanjadani soo baxday, ayaa waxaa beerihii ka qaxay dhamaan, oo aan aragoodii waynay, wixii noole ahaa eek u dhaqnaa, sida xasharaadkii , jiriqaagii, iyo dhamaan xamaaratadii oo dhan, kuwaas oo noqday wax dhinta, iyo wax baxsada. Sidaas waxa yidhi nin beeralay ah, oo deegaankaa ku nool. Qudhaanjadan ayaa markii ayka dabarjartay noolihii yar-yaraa u soo jeesatay in ay dadka laftiisa ku soo qamaamto oo cidii geedaha ku hoos sheekaysanaysa ama tamashlaynaysa dhulkaa si ba’an u weerarto, inkastoo dadku awood leeyihiin, oo ay dilaan iskana celiyaan, oo aanay qudha ka jari Karin hadana waxa jirta cabdi ba’an oo ka dhalatay sida ay wax u boobayso, iyo sida xad dhaafka ah ee ay isku soo tarayso, sidoo kale talaabooyinkii ay xukuumada dalkaasi ku doonaysay dabar goynta qudhaanjadan dugaaga ah ayaa lagu guul daraystay, waxaana durba natiijo wal-wal leh ku dhamaaday ololayaal, buufin iyo sumayn ah oo lagu qaaday qudhaanjadaa. Waxaana sida lagu qoray shabkada internetka ee Aljazeera uu gudoomiyaha deegaankaas oo lagu magacaabo “Kharemulton Minisien” uu ku waramay, waxaa wali jirta cabsida qudhaanjadaa, wax natiijo ahina kama soo bixin buufintii iyo sumayntii lagu sameeyay. WQ: Ibraahin Maxamed Hassan Faafin::wardoon.tripod.com28.january.2008. ![]()
|
Benazir bhutto oo la dilay![]() Karim in Swedan![]() waraysi: actorka shahrukhan![]() hargeysa, somaliland![]() KALLUUN DABATOKalluunku waa nafley dhiiq-qabow oo jaadad badan ah oo biyaha ku dhexnool; wuxuu lee yahay laf-dhabar iyo xubin la yiraahdo qoonbiyaal ama waaf oo uu ka neefsado iyo dhego yaryar. Qaar waa yaryar oo waa kalluunka dhabta ah sida tarraaqad iyo tebadiin, qaarna waa waaweyn sida libaax-badeedka iyo kuwo kale sida neberi iyo geelmaanyo.. sii akhriXoolaha iyo dhaqaalahawadanka Somaliland dhaqaalaha ugu badan ee uu ku tiirsan yahay waa xoolaha nool: noocyada xoolaha waxaa ka mida Geela, Loda, Adhiga, Iwm, waxa loogu jecel yahay Geela oo isagu ah kan ugu adkaysiga badan uguna manaafacaadka badan Sii akhriMaxaa saamayn ku yeesha caafimaakda qofka?Caafimaadka bulshada guud ahaan iyo gaar ahaan ayaa si wayn waxa uu ugu xidhan yahay habdhaqanka qofka shaqsiga ah, taasoo qofku ku noolaado caafimaad qab hadii habnololeedkiisu wanaagsan yahay ama uu xumaado hadii habnololeedkiisu xun yahay... Akhrifanaanad Nimco yaasiin caraale:![]() dhirta iyo manaafacaadsigeedaDhirtu waxay inoo leedahay manaafacaad faro badan, haday ahaan lahayd xaga nolosha oo aynu quudano iyo xaga dhaqaalaha oo aynu ka ganacsano. sii akhriBaafin: shugri axmed xirsi![]() Xaliimo Axmed Husein Sheeko: nimaad dhashay kuma dhalin!Bil iyo badh ayaa ka soo wareegtay geeridii Idiris xaaskiisa, wuxuuna galabtaa dhex fadhiyay daarada gurigiisa: Aabo war-moogey, markaan ku arkaba hooyadaa ayaa qalbigayga ku maaxaysa. sii akhriCiid mubaarik::Kuli caam wa'antum bikhayr.![]() |
|