![]() ![]() ![]() |
Islamic LinksSuugaan LinksWararkaAudio |
Nimco yaasiin caraale oo noqotay Burcad jaamac xirsi.![]() Fanaanada caanka ah ee Nimco Yaasiin Caraale waxa ay sheegtay in hadda wixii ka dambeeya magaceeda saxda ah la yidhaahdo Burcad Jaamac Xirsi, inkastoo mar su'aal la waydiiyay ahayd magacee ayaad ku dhigaysaa riwaayadaha ama bandhig faneedyada khaadhadhka lagu qorayo waxa ay ku jawaabtay magacaygii hore ee ay dadku ii yaqaaneen kaas ayaan ku soconayaa. waxa iyada oo ka hadlaysa u jeedada ay xafladan u qabatay tidhi " muhiimada koowaad waxa ay tahay ku dhawaaqida ururkan samafaleed oo wadaniya oo cusub oo ka shaqeyndoona samata bixinta dhalaankeena la xaday, la waayo, ama la tahriibiyo iyo kuwa lagula kaco arxandarada. Ujeedada labaad ee ururkani waa inaan gacan ka siino hay'adda sharciga gudashada xilkooda ku saabsan caruurta la xado ama lunta ama sifo sharciga ka baxsan loo korsado." Marwo Burcad waxa ay ku baaqday in cadaalada la horkeeno dadka ku xadgudba xuquuqda caruurta. " waa in cadaalada la horkeeno dadka denbiyada ka gala caruurta. Waxaan go'aansaday inta noloshayda ka hadhay in aan mihnadayda fanka ugu sameeyo ururkan dhaqaale qeyb ka noqda socodsiinta hawlihiisa" ayey tidhi Burcad Jaamac Xirsi. "Sababta aan u go'aansaday dhismaha ururkan waxa weeyaan markaan aniga laf-tigeygu aan aqoonsaday inaan waalidkay ka lumay aniga oo ay da'deydu tahay 3-sanadood oo kaliya oo aan waalidkay ka maqnaa muddo kor u dhaafaysa 40 sanadood. Sanadkii 1992-kii oo 15 sanadood laga joogo ayaan iigu horeysay markii aan maqlay qoys ku doodaya inay aniga (Nimco jaamac) i dhaleen, waan la yaabay oo waxaan u qaatay inay dadnimadayda meel kaga dhacayaan, waayo waligey maan arag qof weyn oo ciro leh oo la isku haysto," ayay tidhi fanaanadu, waxaanay intaas raacisay oo ay tidhi "Qoyskaas oo ila soo xidhiidhayay mudadaa 15 sanadood ahayd, iyaga oo ii sheegaya inaan ahay gabadhoodii oo aan ka lumay, aniga oo si joogto ah ugala hortagayay marwalba diidmo, markii ay joogsan wayday waxaan odaygeygii u soo jeediyey in arrintan lagu soo afjaro baadhitaanka DNA-ga dhinaca dhiiga, aniga laftigayga iyo qoyskeeda. Natiijadii baadhitaankuna uu noqday inuu noloshaydii is-bedel cajiib ah ku sameeyey oo uu qoyskani noqday kii runta ahaa ee aan ka soo jeeday dhalasho ahaan oo aan hooyaday dib ula midoobay. kadib 50 sannadood, oo aan hooyaday la kulmay oo qarka u saaran geeri, walow aan inmanka garanayo cida aan ka soo jeedo, hadana maskaxdayda mowjado cajiiba ayaa ka guuxaya oo isweydiinaya su'aalo farobadan oo ah isbed-bedelada ku dhacaya noloshayda." Axmed Jaambiir Suldaan waxa uu soo dhaweeyay ururkan cusub ee u dhaq-dhaqaaqi doona caruurta la xado ama lunta oo lagu magacaabo BUCMAS, isla markaana waxa uu ka waramay mushkilada ay leedahay caruurta la xado xag waalid iyo bini'aadanimo loona baahan yahay in laga hortago. WQ: Maxamuud Maxamed Yuusuf ![]() Faafin: somalilandtalk.bravehost.com 11 oct. 2007 |
fadlan soo dir qormooyinkaagaFadalan soo dir wixii qormo, maqaal, faalo ah ee aad haysid: isla markaasna aad u aragtid in ay mujtamaca faa'iido u leeyihiin, kuna soo hagaaji wali335@gmail.comKALLUUN DABATOKalluunku waa nafley dhiig qabow oo jaadad badan ah oo biyaha ku dhex nool; wuxuu lee yahay laf-dhabar iyo xubin la yiraahdo qoonbiyaal ama waaf oo uu ka neefsado iyo dhego yaryar. Qaar waa yaryar oo waa kalluunka dhabta ah sida tarraaqad iyo tebadiin, qaarna waa waaweyn sida libaax-badeedka iyo kuwo kale sida neberi iyo geelmaanyo.. sii akhriMaxaa saamayn ku yeesha caafimaakda qofka?Caafimaadka bulshada guud ahaan iyo gaar ahaan ayaa si wayn waxa uu ugu xidhan yahay habdhaqanka qofka shaqsiga ah, taasoo qofku ku noolaado caafimaad qab hadii habnololeedkiisu wanaagsan yahay ama uu xumaado hadii habnololeedkiisu xun yahay... AkhriXOOLA DHAQATOXoola dhaqatadu waxa ay dhaqdaan xoolo sida geela, ariga, lo, fardaha, iyo dameeraha. Geelu wuxuu kamid yahay kuwa xoolaha ugu manaafacaadka badan, waa lagu safraa, waa la rartaa, waa lagu dhaansadaa, waa la rakuubsadaa, qalabkaa lagu rartaa, iwm.... akhriBaafin: shugri axmed xirsi![]() Xaliimo Axmed Husein baro: HTML IYO CSS![]() Shahrukhan: warbixin![]() Salman khan oo xabsiga loo taxaabay![]() |
|