![]() ![]() ![]()
|
Islamic LinksSuugaan LinksWararkaAudio |
SHAHRUKHAN: " AABAHAY WUXUU AKHRISAN JIRAY KITAABKA QURAANKA ANIGANA SIDAAS AYUU IGU barbaariyay![]() wuxuu yimid new-delhi isaga oo nin yar ah waxana uu ka qayb qaatay xornimo doonkii hindiya. waxa uu ka mid ahaa ragii ugu yar-yaraa oo ka qayb qaatay xornimo doonka. waayadaas nina ma aaminsanayn in hindiya ay u kala go'ayso labo wadan. Aabahay waxay aad isugu dhawaayeen qoyska reer gandhi. Saaxiibadiis oo dhan waxa laga dhigay wasiiro laakiin aabahay waa diiday inuu halyaynimadiisa ku raadiyo kursi siyaasadeed. wuxuu ka doorbiday inuu samaysto ganacsi yar oo ah baabuurta xamuulka qaada wuxuuna kiraystay dhawr gaari oo kuwa xamuulka qaada ah. wax walba oo aan maanta ahay waxa iga dhigay aabahay. Sida uu ii soo barbaariyay ayaa ahayd si wanaagsan. Aniga oo ilmo yar ah ayuu iila dhaqmi jiray sidii saaxiib oo kale. Marka aan murugsanahay inta uu isoo ag fadhiisto ayuu i waydiin jiray waxa i haya ka dibna talo ayuu i siin jiray. Aniga oo ilmo yar ah ayuu ku dadaali jiray in uu i baro muqdarnimada. iyo masuuliyada. Aniga oo jira 4 ayuu isiin jiray casharo practical ah oo uu iigu muujinayo in aanan cidna wax ka sugin oo wax walba aan anigu qabsado iyo in hadii aan dambi galo ama aan khaldamo aan cid iga saari kartaa jirin xitaa isaga oo aabahay ah inaan aniga isa saxo mooyee. Aniga oo 4 jir ah ayaan maalin dhagax ku dhuftay wiil aan daris ahayn nasiib darana ilig ayaa ka dhacay wiilkii, markaas ayaa habeenkii waxa albaabka nagu soo garaacay aabihiis oo khamraanay oo mindi gacanta ku wata. Aabahay inta uu albaabkii furay ayuu anigana dibada ii soo saaray oo ula hadlay ninkii khaamaysnaa si degan wuxuuna kula hadlay hadal aan markaas u arkaayay xaasidnimo balse aan dib ka ogaaday in uu macne ku jiray. Ninkii khaamaysnaa ayuu ku yidhi qofka wiilkaaga iliga ka riday aniga ma aha ee waa wiilkan ee dil anigu kaa celin maayee, markaas ayaan ooyay oo baroortay oo ninkii ku idhi "adeeroow aniga ayaa wiilkaaga dhagaxa ku dhuftay laakiin ulama kacayn ee i cafi". Markaas ayuu ninkii iska tagay isagoo raali ah. Maalintaas ka dib aabahay la iigama soo dacwoon. Waxa had iyo jeer aabahay iiga soo dacwoon jiray hablaha xaafada maraya oo aan intaan fadhiisto gidaar nagu dhawaa aan shumis hawada u marin jiray. Aabahay waxyaalaha uu ibaray waxaa ka mida inaanan dadka tooda raacin oo aan wax walba anigu ka sal gaadho. Maalin ayaan aabahay waydiiyay bal in baaskiil lagu gaadhi karo 20km, markaas ayuu igu yidhi haa iyo maya midna kuma odhanayo ee baaskiil ayaan kuu soo iibinayaa ee bal adigu ku gaadh. Maanta oo aan ahay atoore 42 jir ah dad badan ayaa igu xanta in aan hadalka boobsiiyo marka aan filimaanta matalayo, halka atoorayaal aanan magacaabayn ay guriga iigu yimaadeen igu yidhaahdeen na bar hadalka boobsiiska ah waa waxa ay dadku kugu jecel yihiine. Aabahay iyo hooyaday midna waligiis gacan iima qaadin. Xigmada aan aabahay ka bartay waxaa ka mida sida dadka loo qanciyo. Gabar yar oo ahayd reer koonfurta hindiya ayaan dhibi jiray waagaan yaraa markaas ayaa hooyadeed iiga soo dacwootay aabahay. Inta uu si fiican u fiiriyay habartii ayuu ku yidhi gabadhaadu ma sidaada ayay u qurux badan tahay? amba hadaan adoo yar ku arki lahaa waan ku dhibi lahaa. Dacwadiina waxay isu badashay kaftan. xigmada aan aabahay ka bartay waxaa ka mida aayada islaamka ah ee odhonaysa "ha qaadan ribada ama dulsaar". waxaan aaminsanahay in qof walba uu cuno wuxuu mutaystay. Anigu ma cuno wax aanan u legdamin, u feertamin amaba aanan ku fara go'in. Aabahy wuxuu akhrisan jiray kitaabka quraanka ah iyo gabayada urduga ah laakiin aniga wuxuu igu yidhi akhriso quraanka marka aad jeclaysato sidoo kale akhriso ayuu igu yidhi Giitaaga hinduuga iyo Bible-ka kiristaanka. Gurigayaga si fiican ayaa looga iidi jiray ciidul fitriga laakiin aabahay wuxu igu yidhi ka qayb qaado ciido oo dhan hadii ay ahaan lahaayeen kuwo muslim, hinduu iyo kuwo kiristaanba. Farxad oo dhan kala qayb- qaado ayuu igu yidhi biniaadamku marka ay faraxsan yihiin. Markii uu dhimanayay aabahay ma ooyin maxaa yeelay isaga ayaa diyaariyay sidaan ka yeeli lahaa geeridiisa laakiin markii ay hooyaday ku dhimatay dhabtayda waan ooyay. Inta aan isbitaalka ka soo cararay ayaan tukaday salaad. waligay ma tukan ka hor iyo kadiba waayo aabahay iyo hooyaday ima odhan tuko. Maalintaa si daacad ah ayaan u tukaday waxaana ilaahay ka baryay inuu hooyaday janno ii geeyo. Aaabahay wax ayuu ii sheegi jiray laakiin hooyaday waxaan jecelahay ayay isiin jirtay tusaale ahaan baabuurkii ugu horeeyay hooyaday ayaa ii iibisay. Hooyaday waxa la odhan jiray FATIMA waxay u qurux badnayd sidii waxiida raxmaan oo waayadaas ahayd aktaradii hindiya loogu jeclaa. labadooduba waxay ku dhasheen hydrebat. Hadaan idiinka sheekeeyo sida ay aabahay iyo hooyaday isku guursadeen waxaad u qaadanaysaan inan filin idiin metelayo. Cusbitaalka new delhi ayaa maalin waxa la keenay gabar qurux badan oo ku soo dhaawacan tay shil baabuur wadada u dhaxaysa hydrepad iyo new delhi oo dhiig la'aan u dhimanaysa. Waxaa la waayay qof la dhiig ah oo aan ka ahayn nin qurux badan oo uu dhererkiisu yahay 6'2" (6 feet iyo labo inch) hadaan shilaasi dhaceen aabahay iyo hooyaday ma kulmeen. Labadaas qof ee quruxda badan ayaan nasiib u yeeshay in ay aabahay iyo hooyaday noqdaan. Labaduba aad ayay u qurux badnaayeen laakiin anigu ma qurux badni. Dadka filimaantayda daawadaa waxay jecel yihiin quruxdayda gudaha ah. Waxaan xasuustaa markii la i geeyay dugsiga st.columbas high school, waxaa lahaa labo nin oo irish ah oo aaminsan aqoonta iyo asluubta wanaagsan. Maadada aan ugu liitay waxay ahayd xisaabta, ilaa iyo hada lambarada dhib ayaan ku qabaa. Marka uu qof ii sheegayo lambar telefoon, waxaan ka codsadaa in uu dhawr goor iigu soo celiyo. sidoo kale markaan ku jiray dugsiga hoose waxaan ku liitay luuqada hindiga maadaama aan ka imi qoys muslim ah, waxaa gurigayaga lagaga hadli jiray urdu. Markaan guursanayay xaaskayga Gauri, waxaa noolayd hooyaday, ima ay odhan gabadhu ma muslim baa mise waa shiine, Laakiin qoyska Gauri oo hinduu ahaa aad ayay uga ashkatoodeen ilaa hooyadeed ku sigatay in ay is disho. Markii danbe waxaan galnay aroos qayb ahaana ahaa hindu qayn ahaana maxkamad. Laakiin habeenkaas waxaan diiday in ay Gauri cagaha ii dhaqdo waayo sida aabahay ayaan u qadariyaa dumarka. Bombay waxa aan tagay aniga oo aan la iga aqoon hase yeeshee dhawr musasal ku soo matalay delhi. Waxa igu soo dhaweeyay casiis mirza oo aabbe oo kale ii noqday, maantana waxa aan ku faraxsahay shirkada dreamz unlimited oo aan wadaag ku nahay aniga iyo isaga iyo aktarada aanu saaxibka nahay ee Walaashay SHehnaz waxay waligay ii ahayd tusaale wanaagsan oo aan raaco. waxa aad iigu nasiib badanahay SHehnaz oo ii noqotay walal gabar ah wayn. Waa gabar caqli badan oo teeda ka adag cidna ma afaaro gashato. waxay haysataa dhawr shahaado oo ah ka mid tahay MBA PSYCHOLOGY AH. markay yarayd waxbarashada ma xiisayn jirin. waxay jeclayd novellada jacaylka ah. waxaan xasuustaa maalin aabahay oo inta uu arkay shehnaz oo qolkeeda ku akhrisanaysa novel, wuxuu igu yidhi aabe walaashaa waxa la gaadhay xiligay wax baran lahayd, waxayna ku mashquulsan tahay novel ee daaqada ayaan ka tuurayaa intaan is xanaajiyo ee hoos u dag oo soo qaad. Maanta waxay noqotay gabadh aqoon leh sidii aabaheed ka rabey. heerkaa ayuu aabahay ka gaaray bar-baarinta wanaagsan ee caruurtiisa. Ana waxaan rabaa in aan wiilkayga Aryan iyo gabadhayda yar ee Susana u bar-baariyo sidii aabahay ii barbaariyay oo kale. WQ: Maxamuud Maxamed Yuusuf. ![]() Waxaad tahay akhristihii |
fadlan soo dir qormooyinkaagafadlan soo dir wixii qormo, maqaal,faalo ah ee aad haysid: isla markaana aad u aragtid in ay mujtamaca faaiido u leeyihiin kuna soo hagaaji wali335@gmail.comKalluun dabatoKalluunku waa nafley dhiig qabow oo jaadad badan ah oo biyaha ku dhexnool; wuxuu leeyahay lafdhabar iyo xubin la yidhaahdo qoonbiyaal ama waaf oo uu ka neefsado iyo dhego yar-yar. Qaar waa yar yar oo waa kalluunka dhabta ah sida Taraaqada iyo tebadin, qaarna waa waaweyn sida libaax-baddeedka iyo kuwo kale sida nebiri iyo geelmaanyohargeysa, somaliland![]() Dugsiga sare ee faaraxomarDugsiga sare ee Faaraxomar high school waxa la dhisay 1969, waxa uuna ahaa dugsigii ugu horeeyay ee laga dhiso waqooyi-galbeed (hargeysa) ee noociisa ah. Dugsigu waxa uu leeyahay taariikh faro badan, waxa aadna ka heli kartaa websitekan. www.faaraxomar.4t.comKALLUUN DABATOKalluunku waa nafley dhiiq-qabow oo jaadad badan ah oo biyaha ku dhexnool; wuxuu lee yahay laf-dhabar iyo xubin la yiraahdo qoonbiyaal ama waaf oo uu ka neefsado iyo dhego yaryar. Qaar waa yaryar oo waa kalluunka dhabta ah sida tarraaqad iyo tebadiin, qaarna waa waaweyn sida libaax-badeedka iyo kuwo kale sida neberi iyo geelmaanyo.. sii akhriSalman khan oo xabsiga loo taxaabay![]() Xoolaha iyo dhaqaalahawadanka Somaliland dhaqaalaha ugu badan ee uu ku tiirsan yahay waa xoolaha nool: noocyada xoolaha waxaa ka mida Geela, Loda, Adhiga, Iwm, waxa loogu jecel yahay Geela oo isagu ah kan ugu adkaysiga badan uguna manaafacaadka badan Sii akhriMaxaa saamayn ku yeesha caafimaakda qofka?Caafimaadka bulshada guud ahaan iyo gaar ahaan ayaa si wayn waxa uu ugu xidhan yahay habdhaqanka qofka shaqsiga ah, taasoo qofku ku noolaado caafimaad qab hadii habnololeedkiisu wanaagsan yahay ama uu xumaado hadii habnololeedkiisu xun yahay... Akhrifanaanad Nimco yaasiin caraale:![]() dhirta iyo manaafacaadsigeedaDhirtu waxay inoo leedahay manaafacaad faro badan, haday ahaan lahayd xaga nolosha oo aynu quudano iyo xaga dhaqaalaha oo aynu ka ganacsano. sii akhriBaafin: shugri axmed xirsi![]() Xaliimo Axmed Husein Sheeko: nimaad dhashay kuma dhalin!Bil iyo badh ayaa ka soo wareegtay geeridii Idiris xaaskiisa, wuxuuna galabtaa dhex fadhiyay daarada gurigiisa: Aabo war-moogey, markaan ku arkaba hooyadaa ayaa qalbigayga ku maaxaysa. sii akhriCiid mubaarik::Kuli caam wa'antum bikhayr.![]() |
|