|
Somalitalk.comIslamic LinksSuugaan LinksWararkaAudio |
sheeko: Nimaad Dhashay kuma dhalinBil iyo badh ayaa ka soo wareegtay Geeridii Idiris xaaskiisa, wuxuuna galabtaa dhex-fadhiyay daarada gurigiisa. (Aabo War-moogey markaan ku arkoba hooyadaa baa qalbigayga ku maaxanaysa), sidaas waxa yidhi Idiris oo isagoo dhabta ku haya inantiisii (Gabadhiisii) isagoo hadba dhuunkanaya. Idiris waxa uu aad u jeclaa inantiisa (gabadhiisa) yar, waxaano caado u ahayd kolka uu guriga soo galo iyo kolkuu ka baxayoba inuu dhuunkado, balan wuxuu ku qaaday inaan inantiisu (gabadhiisu) waligeed waxay u baahato u ciishoon oo had iyo jeer faraxsanaato. Yarta waxaa u hayn jirtay gabadh guriga uga shaqayn jirtay, wuxuuna kula dar-daarmi jiray inaanay ooyin inantiisu, waxaanu u bixiyay magacyo dhawra oo ay ka mid ahaayeen" Warmo-og, Abyan, Dhinbiilo," iyo kuwo kale. Warmo-og hadii ay kortay waxay noqotay inan (gabadh) caban oo Aabaheed ka anfariirisay, Aabaheed waxay ka codsataba wuu la jeclaa, waxayse ku kalifi jirtay waxyaabo in mudo ah la sugo, mararka qaarkood waxay aabaheed waydiin jirtay "Hadaan waynaado sidaan yeeli doonaa yaa i aroosi doona? guri sidee ah ayaa la igu aroosi doonaa iyo kuwo kale oo badan". Warmo-og magac kale ayuu aabaheed u bixyay waxa uu ahaa "Korin-waa". Idiris gurigiisa qof aanu isagu u idmin waligiis ma soo galin, Korin waana cid guriga ugu iman jirtay ma jirin, waxaa inantii (gabadhii) ku adkaatay sidii ay isku arki lahaayeen dhalinyaradii ay Dugsiga isku barteen, Dugsiga baabuur ayaa lagu gayn jiray lagagana soo celin jiray sidaa awgeed wakhti ku filan oo ay kula sheekaysato saaxiibadeed ma heli jirin. Inanta aabaheed uma ogalayn in cidi u timaado ama iyadu cid u tagto, halkaa waxa ka dhashay in gabadhii aabaheed colaad wayn u qaado, aadna u necbaato. Kol odayga hargab ku xumaadayna waxay is tidhi dhimashadiisii baa soo dhawaatay, markii uu yar ladnaadayna aad bay uga xumaatay waxayna u qaadan wayday arimihii ay isa saar saartay oo waxba ka rumoobi waayeen. Koron waa aabaheed maalintii ay dhalatay iyo markii ay waynaatay ee ay naag wayn noqotay isku si ayuu u jeclaa, jacaylkii uu inantiisa (gabadhiisa) u hayay wuxuu ku kalifay inuu guur kale iska daayo iyada awgeed maxaa yeelay wuxuu ka baqay inay isku xumaadaan. Ayaan daraduse waxay tahay odayga oo inantiisu (gabadhiisu) indho kale ku aragtay oo lago indho saabay fiicnaantiisa iyo xanaanadiisa. Koron waa way fikirtay waxayna is tidhi sidee baan odayga u dilaa aan dhibtiisa ka raystee? waxay intaa ku dartay oo kale hadaan Sun u qariyo saw ka il heli maayo, markay gabadhu sidaa u fikiraysay odayguna wuxuu ku maqnaa talo kale, odaygu wuxuu ku tashanayay in uu xajka u kaco waxaase ku adkaatay in uu koron-waa ka tago, ugu danbayntiina wuxuu ku goostay go'aan in uu ruuxeeda xajka u kaxeeyo, galabtii markay ahayd ayuu Idiris u yeedhay inantiisii, wuxuuna ku yidhi "Maandhay waxaad ii raacaysaa xajka waxaynu bixi doonaa Bari ee alaabtaada ururso. Koron-waa aadbay uga naxday warkaa isaga ah inlayn waxay rabtay in ay aabaheed disho labo bari (maalmood) ka dibe. Markaasbaa waxay tidhi: Aabe naagbaa dhar ii tolaysay ee aan sugno, runtiina waxay rabtay in ay labo bari dhexdood ka gaarsiiso, markaasay dhuunkasho aan dhab ahayn iska baadi doontay, odaygiibaa isagoo faraxsan ogolaaday arintaa. Sir-maqabe alaa u sahlee subaxii danbe ayaa wiilyar oo odaygu wax u dirsan jiray u soo sheegay in Koron-waa ay gurigii Habartii falawda ahayd ay joogtey oo ay ku lahayd waxaan rabaa sun aan aabahay siiyo (ku dilo) in aad ii samaysid. Odaygii intuu orod boobay ayuu gurigii islaantii daf yidhi oo uu arkay inantiisii (gabadhiisii) oo koob wax biyo u eg ku sidata. Koran waa markay aragtay Aabaheed oo kortaagan ayay naxdin awgeed suuxday, habartiina intay qaylo afka galisay ayay odaygii ku tidhi yaa kuu fasaxay in aad guriga soo gashid? Maxamuud maxamed yusuf Nimaad dhashay kuma dhalin |
fadlan soo dir qormooyinkaagaFadalan soo dir wixii qormo, maqaal, faalo ah ee aad haysid: isla markaasna aad u aragtid in ay mujtamaca faa'iido u leeyihiin, kuna soo hagaaji wali335@gmail.comKALLUUN DABATOKalluunku waa nafley dhiiq-qabow oo jaadad badan ah oo biyaha ku dhexnool; wuxuu lee yahay laf-dhabar iyo xubin la yiraahdo qoonbiyaal ama waaf oo uu ka neefsado iyo dhego yaryar. Qaar waa yaryar oo waa kalluunka dhabta ah sida tarraaqad iyo tebadiin, qaarna waa waaweyn sida libaax-badeedka iyo kuwo kale sida neberi iyo geelmaanyo.. sii akhriXoolaha iyo dhaqaalahawadanka Somaliland dhaqaalaha ugu badan ee uu ku tiirsan yahay waa xoolaha nool: noocyada xoolaha waxaa ka mida Geela, Loda, Adhiga, Iwm, waxa loogu jecel yahay Geela oo isagu ah kan ugu adkaysiga badan uguna manaafacaadka badan Sii akhriMaxaa saamayn ku yeesha caafimaakda qofka?Caafimaadka bulshada guud ahaan iyo gaar ahaan ayaa si wayn waxa uu ugu xidhan yahay habdhaqanka qofka shaqsiga ah, taasoo qofku ku noolaado caafimaad qab hadii habnololeedkiisu wanaagsan yahay ama uu xumaado hadii habnololeedkiisu xun yahay... Akhrifanaanad Nimco yaasiin caraale:Fanaanada nimco yaasiin caraale oo noqotay Burcad jaamac xirsi: sii akhridhirta iyo manaafacaadsigeedaDhirtu waxay inoo leedahay manaafacaad faro badan, haday ahaan lahayd xaga nolosha oo aynu quudano iyo xaga dhaqaalaha oo aynu ka ganacsano. sii akhriBaafin: shugri axmed xirsiXaliimo Axmed HuseinSheeko: nimaad dhashay kuma dhalin!Bil iyo badh ayaa ka soo wareegtay Idiris xaaskiisa, wuxuuna galabtaa dhex fadhiyay daarada gurigiisa: Aabo war-moogey, markaan ku arkaba hooyadaa ayaa qalbigayga ku maaxaysa. sii akhriCiid mubaarik::Kuli caam wa'antum bikhayr.Dugsiga sare ee faaraxomarDugsiga sare ee faaraxomar waxa la dhisay 1969. waxa uuna ahaa dugsigii ugu horeeyay ee laga dhiso waqooyi galbeed (hargeysa) ee noociisa ah. dugsigu waxa uu leeyahay taariikh faro badan waxa aadna ka heli kartaa websiteka dugsiga oo cinwaankiisu yahay www.faaraxomar.4t.com Hadaba si aad u booqato halkan guji ama linkigaa hore GujiSalman khan oo xabsiga loo dhaadhicyayAktarka Bollywoodka ee Salman khan ayaa xabsiga loo dhaadhicyay, kadib markii lagu eedeeyay in uu si axmaqnimo ah ugaadhsi kula kacay deero. Isaga oo markaasi joogay magaalo ku taala koonfurta india oo la yidhaahdo rajistaan sanadkii 1998. isaga oo halkaasi filim ku matalayay.Sii akhri |
|