![]() ![]() ![]()
|
Islamic LinksSuugaan LinksWararkaAudio |
khaladkii ugu waynaa ee dhinaca cadaalada ah ee dunida ka dhaca.
Debi oo 80 jir ah waxaa xabsiga laga sii daayay dhawaan isaga oo soo dhamaystay 50 sannadood oo maxbuusnimo uu jeelka ugu jiray, iyada oo sida uu sheegay qareenka cusub ee difaacay ninkani, ay waxda cadaalada ee dalka sri lanka ilowday dacwadiisa, isla markaana aan wax maxkamad ah la soo taagin mudada intaa le’eg. Ninkan qisadani khusayso ee Debi James, ayaa waxaa xabsiga loo taxaabay bishii ougust 1958kii xiligaas oo ay da’diisu ahayd 30 jir, isaga oo loo xidhay kiis dacwadeed ah in uu xadgudub kula kacay hooyadii, oo sida lagu eedeeyay uu la dagaalamay, dhaawacna uu soo gaadhsiiyay, ka dib markii uu mindi ku dhuftay. Markii ugu horaysay ee ninkan la xidhay, ayaa maalmo yar ka dib waxaa la geeyay cusbitaal dhinaca dhimirka qaabilsan, ka dibna markii uu baadhitaan caafimaad lagu sameeyay, ayay dhakhaatiirtii baadhay cadeeyeen in uu caafimaadkiisu wanaagsan yahay isla markaana aanu jirin wax xanuun ah oo uu qabo, ama baahi ah in uu cusbitaalka waalida ku sii jiro, waxaana dib loogu celiyay Debi James xabsiga, halkaas oo si ramsi ah loogu ilaaway, si dhab ahna uu saaxada uga baxay gal dacwadeedkiisii lagu soo eedeeyay, ee si kama dambays ah loo ilaaway, waa sida uu ku waramay garyaqaankiisuye. Gar yaqaanka ninkan difaacayay oo lagu magacaabo “Drana Veggie Sniifiratny” ayaa wax yar ka dib markii la sii daayay odaygan uu difaacayay, oo ku beegnayd todobaadkii ina dhaafay, ayaa mar uu ka hadlayay waxa uu yidhi “Debi James waxa lagu ooday xabsiga oo uu ku dhamaystay 50 sanadood, taasina waxay la tagtay dhalin yarnimadiisii, waxayna ka dhigeen cajuus gaboobay, oo 80 jir ah, timihii boos cad noqdeen, isla markaana uu indhihiisii ku waayay”. Maxkamada wadankaasi oo dhawaan amartay sii daynta ninkan ayaa u xukuntay in la siiyo magdhaw iyo raali galin laga raali galinayo, dhacdadan layaabka iyo mucjisada ah, isla markaana noqonaysa khaladkii ugu waynaa ee cadaalada ka dhacda, iyo ilowgii ugu mudada dheeraa ee qof bani’aadmi ah lagu ilaawo jeel, baabiiyay noloshiisa iyo cimrigiisa intii ugu fiicnayd, ninkani waxa uu jeelka galay 1958 waxaana la sii daayay 2008 bishii koowaad, waxaanu mudada intaa le’eg ahaa kiis suge, aanu wax xukun ahi ku dhicin, ninkan ayaan wax cabasho ah samayn mudadii 50 sanadood ahayd ee uu xabsiga ku jiray, mana jirin wax dalab ah oo uu ku rabay in la sii daayo, waxaana taa ugu wacnayd isaga oo jaahil ka ahaa sharciga, isla markaana aanu garanayn waxa uu noqonayo xukunka danbiga uu sameeyay. Balse waxa ay arintiisu dibada u soo baxday oo lagu ogaaday markii mudo sanad lagu joogo uu xanuun ba’ani ku haleelay jeelka ka dibna loola cararay dhakhtar si loogu daaweeyo halkaa, ka dibna jeelka lagu soo celiyo, laakiin xanuunka hayay oo aad u cuslaa awgeed waxaa lagama maarmaan noqotay in uu mudo ku jiro cubitaalka, sidaas daraadeed waxaa maamulka cusbitaalkaasi, uu waaxda cadaalada ee dalkaa ka dalbadeen, in kiiska ninkan la eego si loo ogaado, waxa sharcigu ka ogol yahay, laakiin waaxda cadaalada ee dalkaa ayaa gabi ahaanba ku daraystay in ay helaan gal dacwadeedkii ninkani ku eedaysnaa. Markii arintaasi dhacday ee laga war helay ayaa si wayn loogu baraarugay, kadibna ay dadka u dooda xuquuqda aadamaha iyo garyaqaanada wadankaasi guda galeen, baadhitaano iyo waraysiyoin ay la yeeshaan ninkaa, iyadoo sidoo kale waaxda cadaalada ee dalkaasna ay la soo daristay fadeexad ba’an iyo eedaymo badan oo loo soo jeedsho, waxaana ay dawlada dalkaasi go’aan ku gaadhay in degdeg loo sii daayo. Balse arintaasi halkaa kumay dhamaan, waxaana socda dacwad ay diyaariyeen garyaqaanadu, taas oo ay ugu dalbayaan in ninkan la siiyo magdhaw gaadhaya 1 milyan iyo badh rubis oo ah lacagta dalka Sri lanka laga isticmaalo oo u dhiganta (14 kun oo dollar) si ay u noqoto mid uu kaga bogsado xabsigii dheeraa, lacagtaas oo u dhiganta $ 280 US. Dollar sanadkiiba marka loo qaybiyo mudadii 50 sanadood ahayd ee uu ku jiray xabsiga. Ninkan oo aan xiligan indhaha sifiican wax uga arki Karin ayaa mar wax laga waydiiyay arintiisan sheegay in aanu isagu waxba ka garanayn wax lagu xukumay iyo inta sanadood ee uu jeelka ku jirayo, uuna u haystay in xabsi daayin lagu xukumay oo inta noloshiisa ka hadhsan uu halkaa ku dhamaysanayo, sidaasi daraadeedna aanu waligii wax cabasho ah samayn, wax dalab sii dayna aanu qoranin, waxa kale oo uu ka waramay in dadkii soo booqan jiray, iyo kuwii yaqaanay ee u iman jiray ay ugu danbaysay wakhti hore, isla markaasna aanay jirin xiligan qof uu garanayo, oo ama ehelkiisa ah ama saaxiibadiisii xiligaa ka nool, waxa kale oo uu sheegay in aanu kala garan karayn dhulkii uu ku noolaan jiray, oo badankiisu isku badalay dhismayaal iyo magaalooyin, aragtidiisa dhinaca indhuhuna aad u liidato, aadna uu u itaal daran yahay oo uu gaboobay, laakiin uu ku faraxsan yahay gurigiisii oo uu isaga oo badqaba ku soo noqday. Dhacdada ninkan reer Sri lanka ayaa lagu tilmaamay khaladkii ugu waynaa ee dhinaca cadaalada ah ee inta la garanayo dunida ka dhaca, waxaanu odaygan 80 jirka ahi noqonayaa qofkii ugu xabsiga dheeraa ee aan maxkamad la horgayn dunida. WQ: Maxamuud Maxamed Yuusf ![]()
|
Benazir bhutto oo la dilay![]() Karim in Swedan![]() waraysi: actorka shahrukhan![]() hargeysa, somaliland![]() KALLUUN DABATOKalluunku waa nafley dhiiq-qabow oo jaadad badan ah oo biyaha ku dhexnool; wuxuu lee yahay laf-dhabar iyo xubin la yiraahdo qoonbiyaal ama waaf oo uu ka neefsado iyo dhego yaryar. Qaar waa yaryar oo waa kalluunka dhabta ah sida tarraaqad iyo tebadiin, qaarna waa waaweyn sida libaax-badeedka iyo kuwo kale sida neberi iyo geelmaanyo.. sii akhriXoolaha iyo dhaqaalahawadanka Somaliland dhaqaalaha ugu badan ee uu ku tiirsan yahay waa xoolaha nool: noocyada xoolaha waxaa ka mida Geela, Loda, Adhiga, Iwm, waxa loogu jecel yahay Geela oo isagu ah kan ugu adkaysiga badan uguna manaafacaadka badan Sii akhriMaxaa saamayn ku yeesha caafimaakda qofka?Caafimaadka bulshada guud ahaan iyo gaar ahaan ayaa si wayn waxa uu ugu xidhan yahay habdhaqanka qofka shaqsiga ah, taasoo qofku ku noolaado caafimaad qab hadii habnololeedkiisu wanaagsan yahay ama uu xumaado hadii habnololeedkiisu xun yahay... Akhrifanaanad Nimco yaasiin caraale:![]() dhirta iyo manaafacaadsigeedaDhirtu waxay inoo leedahay manaafacaad faro badan, haday ahaan lahayd xaga nolosha oo aynu quudano iyo xaga dhaqaalaha oo aynu ka ganacsano. sii akhriBaafin: shugri axmed xirsi![]() Xaliimo Axmed Husein Sheeko: nimaad dhashay kuma dhalin!Bil iyo badh ayaa ka soo wareegtay geeridii Idiris xaaskiisa, wuxuuna galabtaa dhex fadhiyay daarada gurigiisa: Aabo war-moogey, markaan ku arkaba hooyadaa ayaa qalbigayga ku maaxaysa. sii akhriCiid mubaarik::Kuli caam wa'antum bikhayr.![]() |
|