![]() ![]() ![]()
|
Islamic LinksSuugaan LinksWararkaAudio |
waa kuma maxaadse ka taqaanaa aamir hussain khan?.
Amir khan waxa uu bilaabay xirfadiisa filim matalida isaga oo caruur ah filimkii Yaadon ki baarat (1973) iyo Madosh ka dib 11 sanno, wuxuu sameeyay filimkiisii ugu horeeyay ee waynida uu ku matalo, ketan mehta's roli (1984). 1988 ayaa uu helay doorkiisa ugu horeeyay ee filim matalida, filimkaas oo ahaa Qayamat se qayamat tak, kaasi oo ahaa guul wayn, intaas ka dib aamir waxa uu siwayn uga muuqday maslaxa aflaanta filimo dhawr ah oo kale intii ka horeaysay 1990s,. si kastaba ha ahaatee, aamir waxa uu ku guulaystay filimkiisii ugu wanaagsanaa sanadadaas oo ahaa Dil kaasi oo soo baxay 1990, oo noqday filimka ugu sita sanaadkaasi Marka laga yimaado dhanka aflaanta, hadaynu wax ka nidhaahno dhanka noloshiisa shaqsiyeed (personal life): aamir waxa uu jacayl u qaaday Reena dutta, laakiin maadaama oo uu muslim ahaa, waalidkiisa kamay aqbalin in uu guursado, laakiinse markii ay da'diisu noqotay 21 jir, ayaa uu usoo bandhigay iyada arin guur, waanay ka aqbashay, laakiinse guurkooda ayaa ahaa mid qarsoonaa in mudo ah. reena dutta iyo aamir khan waxay isu dhaleen labo caruur ah (wiil junaid iyo inan Aira), ugu dambayntiise way kala tageen. Aamir khan waxa uu markale guursaday Kiran rao taasi oo ahayd caawiye director intii la duubay filimkiisii Lagaan
|
somaliland national tv: SLNTV.NET![]() Qudhaanjo dad cun ah![]() khaladkii ugu waynaa ee cadaalada![]() Benazir bhutto oo la dilay![]() waraysi: actorka shahrukhan![]() hargeysa, somaliland![]() KALLUUN DABATOKalluunku waa nafley dhiiq-qabow oo jaadad badan ah oo biyaha ku dhexnool; wuxuu lee yahay laf-dhabar iyo xubin la yiraahdo qoonbiyaal ama waaf oo uu ka neefsado iyo dhego yaryar. Qaar waa yaryar oo waa kalluunka dhabta ah sida tarraaqad iyo tebadiin, qaarna waa waaweyn sida libaax-badeedka iyo kuwo kale sida neberi iyo geelmaanyo.. sii akhriXoolaha iyo dhaqaalahawadanka Somaliland dhaqaalaha ugu badan ee uu ku tiirsan yahay waa xoolaha nool: noocyada xoolaha waxaa ka mida Geela, Loda, Adhiga, Iwm, waxa loogu jecel yahay Geela oo isagu ah kan ugu adkaysiga badan uguna manaafacaadka badan Sii akhriMaxaa saamayn ku yeesha caafimaakda qofka?Caafimaadka bulshada guud ahaan iyo gaar ahaan ayaa si wayn waxa uu ugu xidhan yahay habdhaqanka qofka shaqsiga ah, taasoo qofku ku noolaado caafimaad qab hadii habnololeedkiisu wanaagsan yahay ama uu xumaado hadii habnololeedkiisu xun yahay... Akhrifanaanad Nimco yaasiin caraale:![]() dhirta iyo manaafacaadsigeedaDhirtu waxay inoo leedahay manaafacaad faro badan, haday ahaan lahayd xaga nolosha oo aynu quudano iyo xaga dhaqaalaha oo aynu ka ganacsano. sii akhriBaafin: shugri axmed xirsi![]() Xaliimo Axmed Husein Sheeko: nimaad dhashay kuma dhalin!Bil iyo badh ayaa ka soo wareegtay geeridii Idiris xaaskiisa, wuxuuna galabtaa dhex fadhiyay daarada gurigiisa: Aabo war-moogey, markaan ku arkaba hooyadaa ayaa qalbigayga ku maaxaysa. sii akhri |
|