![]() ![]() ![]()
|
Aqoonkaal.com
Islamic LinksSuugaan LinksWararkaAudio |
hooyada wanaagsani waxay wanaajisaa qoyska!![]() Laakiin arimuhu uma wada dhacaan sida uu rabo ee uu ku talogalsan yahay iyo sida uu qorshaha u dhigtay, sababtuna waa kala duwanaansho ay lamaanaha qoysku ku kala aragti duwananaadaan sida hawshaa loo maaraynayo. Habsami u socodka nolosha qoyska iyo horumarkiisu waa arimaha marka ay soo baxaan in la helo fikir caafimaad qaba iyo aragti qoto dheer oo lagu maareeyo, taas oo aan ka maarmayn in labada qof ee qoyska maamula midkood uuni tanaasulo, oo uu dabacsanaan muujiyo taa badalkeedana uu ka kale fahmo tixgalinta loo samaynayay oo ah amah lagu leeyahay. Khilaafka lamaanaha qoysku maaha wax aad u wayn hadii la fahmo xalka ama wadajir loo raadiyo xalka intii la sii buunbuunin lahaa muranka isu tanaasulida, wada tashiga iyo isu tixgalinta aragtiyaha kala duwan ee lakala qabo kadibna dhinaca xalka laga galo waa horumarka qoyska, waxa jirta oo mid dhab ah in lamaanaha qoysku yihiin sidii laba qof oo hanti u dhaxaysa ka xisaabtamay kuwaas oo hadii ay adeegsadaan ama ku dhaqmaan qaacidada tidhaahda xisaabi xil male hadii aan la xumay, si fudud ku dhamaysan kara arimahooda sidaa daraadeed waxa la mid ah arinta qoyska oo hadii ay fahmaan in waxa la isku qabanayaa yahay dan u dhex ah ay fududaanayso sida ay xalka u gaadhi lahaayeen. Hadaba waxa maragmadoon ah in hooyada wanaagsani reerkeeda ka dhigto sida boqortooyo adag oo ku taagan tiirar waawayn, sababtuna waa iyada oo waxwalba ka horaysiisa jiritaanka reerkeeda, koriimada ubadkeeda, iyo sidii uu ninkeedu u noqon lahaa qof caan ah oo leh horumar iyo maqaam sare, waxaana ay taasi ka dhigtaa ninka mid bulshada dhexdeeda ku leh miisaan culus halka ubadkeeduna ka noqdaan hogaamiyaasha bulshada ee bari, arintaas oo markhaati u noqonaysa halku dhegii ahaa " ninkasta oo culus waxaa ka danbaysa haweeney", sidoo kale ayaal a yidhaahdaa ilma kasta waxaa dhaqankiisa lagu gartaa qoyska uu ka soo baxay.
![]() |
webmasterka webkan![]() KALLUUN DABATOKalluunku waa nafley dhiig qabow oo jaadad badan ah oo biyaha ku dhex nool; wuxuu lee yahay laf-dhabar iyo xubin la yiraahdo qoonbiyaal ama waaf oo uu ka neefsado iyo dhego yaryar. Qaar waa yaryar oo waa kalluunka dhabta ah sida tarraaqad iyo tebadiin, qaarna waa waaweyn sida libaax-badeedka iyo kuwo kale sida neberi iyo geelmaanyo.. akhriBEERA QODATOBeeraleydu waxay fashaan dhulka oo ay ku beeraan dhir, miro, badar iyo waxyaalo kale oo ay ku abuuraan, waxyaabaha beeraha kasoo baxa waxaa kamid ah: cambaha, mooska ama muuska, qaraha, liinta, digirta, bariiska, galleyda. iwm.... akhriXOOLA DHAQATOXoola dhaqatadu waxa ay dhaqdaan xoolo sida geela, ariga, lo, fardaha, iyo dameeraha. Geelu wuxuu kamid yahay kuwa xoolaha ugu manaafacaadka badan, waa lagu safraa, waa la rartaa, waa lagu dhaansadaa, waa la rakuubsadaa, qalabkaa lagu rartaa, iwm.... akhriXAYAYSIIS: CD AFSOOMAALI![]() |
|