somalilandtalk.bravehost.com

Ku soo dhawoow Hargeysa.byethost13.com :::: By. Maxamuud Maxamed Yuusuf.

Somalitalk.com

Aqoonkaal.com

Somalilandedu.com

Allgedo.com

Batalale.com

Burao-online.com

Awdelnews.com

Baligudle.com

Redsea-online.com

Warqabad.com

Somalinet.com

Somalimedia.com

Wordsom.com

Wariye.com

Somaliweyn.com

Qaranimo.com

Qorahay.com

Islamic Links

Qaandisiya.com

Addacwah.com

Altaqwaa.com

Boqolsoon.com

Quran.com

Suugaan Links

Aftahan.com

Golkhatumo

Doollo.com

Hoyga suugaanta

Wararka

Jazeera.net

BBCsomali.com

Dayniile.com

Golisnews.com

Sooyaal.com

CNN.com

Skynews.com

Somaliweyn.com

Audio

BBC-Somali 11:00

BBC-Somali 14:00

BBC-Somali 18:00

Radio Hargeisa

Radio Horyaal

Radio Shabeele

Radio Waaberi

Radio Golis

Radio Somaliland

Warya Tv

Nimco yaasiin caraale oo noqotay Burcad jaamac xirsi.

Fanaanada caanka ah ee reer somaliland Nimco yaasiin Caraale ayaa kaga dhawaaqday hotelka imperial ee magaalada hargeisa in uu magaceeda rasmiga ahi uu yahay Burcad jaamac xirsi , isla markaana inaanay asal ahaan ka soo jeedin qoyskii hore loogu yaqaanay ee ay ku abtirsan jirtay (Gabooyaha), balse ay tahay gabadh yaraanteedii iyada oo saddex jir ah ka luntay reer ka mid ah beesha isaaqa ee (Saacadmuuse), taasi oo lagu xaqiijiyay baadhitaan dhinaca dhiiga DNA lagu sameeyay ka dib muran dheer oo isku qabsi ahaa oo socday mudo 15 sanno ah.

Fanaanadu waxay arintaasi ku soo bandhigtay xaflad balaadhan oo lagu qabtay hotelka Imperial ee magaalada Hargeisa, isla markaana waxay madasha xafladaas kaga dhawaaqday urur cusub oo ka shaqayn doona samato bixinta dhalaanka la xado, ama lama, ama kuwa qarsoodi lagu korsado, ubadka la tahriibiyo, ama ubadka lagu sameeyo arxandarada. Ururkaas oo la yidhaahdo BUCMAS [ Burcad child missing abducted and trafficking projection solutions ].

Munaasibadaas ku dhawaaqida ururka cusub ee BUCMAS waxa ka soo qayb galay wasiir ku-xigeenka wasaarada arimaha gudaha Axmed Jaanbiir Suldaan, Duqa caasimada Hargeisa, Gudoomiyaha Ururka Haweenka ee Now: marwo Kaltuun Cabdilaahi, dadweyne aad u tiro badan iyo marti sharaf kale.

Fanaanada caanka ah ee Nimco Yaasiin Caraale waxa ay sheegtay in hadda wixii ka dambeeya magaceeda saxda ah la yidhaahdo Burcad Jaamac Xirsi, inkastoo mar su'aal la waydiiyay ahayd magacee ayaad ku dhigaysaa riwaayadaha ama bandhig faneedyada khaadhadhka lagu qorayo waxa ay ku jawaabtay magacaygii hore ee ay dadku ii yaqaaneen kaas ayaan ku soconayaa. waxa iyada oo ka hadlaysa u jeedada ay xafladan u qabatay tidhi " muhiimada koowaad waxa ay tahay ku dhawaaqida ururkan samafaleed oo wadaniya oo cusub oo ka shaqeyndoona samata bixinta dhalaankeena la xaday, la waayo, ama la tahriibiyo iyo kuwa lagula kaco arxandarada. Ujeedada labaad ee ururkani waa inaan gacan ka siino hay'adda sharciga gudashada xilkooda ku saabsan caruurta la xado ama lunta ama sifo sharciga ka baxsan loo korsado."

Marwo Burcad waxa ay ku baaqday in cadaalada la horkeeno dadka ku xadgudba xuquuqda caruurta. " waa in cadaalada la horkeeno dadka denbiyada ka gala caruurta. Waxaan go'aansaday inta noloshayda ka hadhay in aan mihnadayda fanka ugu sameeyo ururkan dhaqaale qeyb ka noqda socodsiinta hawlihiisa" ayey tidhi Burcad Jaamac Xirsi.

"Sababta aan u go'aansaday dhismaha ururkan waxa weeyaan markaan aniga laf-tigeygu aan aqoonsaday inaan waalidkay ka lumay aniga oo ay da'deydu tahay 3-sanadood oo kaliya oo aan waalidkay ka maqnaa muddo kor u dhaafaysa 40 sanadood. Sanadkii 1992-kii oo 15 sanadood laga joogo ayaan iigu horeysay markii aan maqlay qoys ku doodaya inay aniga (Nimco jaamac) i dhaleen, waan la yaabay oo waxaan u qaatay inay dadnimadayda meel kaga dhacayaan, waayo waligey maan arag qof weyn oo ciro leh oo la isku haysto," ayay tidhi fanaanadu, waxaanay intaas raacisay oo ay tidhi "Qoyskaas oo ila soo xidhiidhayay mudadaa 15 sanadood ahayd, iyaga oo ii sheegaya inaan ahay gabadhoodii oo aan ka lumay, aniga oo si joogto ah ugala hortagayay marwalba diidmo, markii ay joogsan wayday waxaan odaygeygii u soo jeediyey in arrintan lagu soo afjaro baadhitaanka DNA-ga dhinaca dhiiga, aniga laftigayga iyo qoyskeeda. Natiijadii baadhitaankuna uu noqday inuu noloshaydii is-bedel cajiib ah ku sameeyey oo uu qoyskani noqday kii runta ahaa ee aan ka soo jeeday dhalasho ahaan oo aan hooyaday dib ula midoobay. kadib 50 sannadood, oo aan hooyaday la kulmay oo qarka u saaran geeri, walow aan inmanka garanayo cida aan ka soo jeedo, hadana maskaxdayda mowjado cajiiba ayaa ka guuxaya oo isweydiinaya su'aalo farobadan oo ah isbed-bedelada ku dhacaya noloshayda."

wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha Gudaha Axmed Jaambiir Suldaan oo isna munaasibadaa ka hadlay ayaa waxa uu yidhi " waxan soo kordhay ee caruurta xadaya waa shilin iyo dhaqaale la raadinayo".

Axmed Jaambiir Suldaan waxa uu soo dhaweeyay ururkan cusub ee u dhaq-dhaqaaqi doona caruurta la xado ama lunta oo lagu magacaabo BUCMAS, isla markaana waxa uu ka waramay mushkilada ay leedahay caruurta la xado xag waalid iyo bini'aadanimo loona baahan yahay in laga hortago.

WQ: Maxamuud Maxamed Yuusuf
Hargeisa, Somaliland
Email:wali335@hotmail.com or xuuto_2005@hotmail.com

Ku laabo kor

Faafin: somalilandtalk.bravehost.com 11 oct. 2007

fadlan soo dir qormooyinkaaga
Fadalan soo dir wixii qormo, maqaal, faalo ah ee aad haysid: isla markaasna aad u aragtid in ay mujtamaca faa'iido u leeyihiin, kuna soo hagaaji wali335@gmail.com
KALLUUN DABATO
Kalluunku waa nafley dhiig qabow oo jaadad badan ah oo biyaha ku dhex nool; wuxuu lee yahay laf-dhabar iyo xubin la yiraahdo qoonbiyaal ama waaf oo uu ka neefsado iyo dhego yaryar. Qaar waa yaryar oo waa kalluunka dhabta ah sida tarraaqad iyo tebadiin, qaarna waa waaweyn sida libaax-badeedka iyo kuwo kale sida neberi iyo geelmaanyo.. sii akhri
Maxaa saamayn ku yeesha caafimaakda qofka?
Caafimaadka bulshada guud ahaan iyo gaar ahaan ayaa si wayn waxa uu ugu xidhan yahay habdhaqanka qofka shaqsiga ah, taasoo qofku ku noolaado caafimaad qab hadii habnololeedkiisu wanaagsan yahay ama uu xumaado hadii habnololeedkiisu xun yahay... Akhri

XOOLA DHAQATO
Xoola dhaqatadu waxa ay dhaqdaan xoolo sida geela, ariga, lo, fardaha, iyo dameeraha. Geelu wuxuu kamid yahay kuwa xoolaha ugu manaafacaadka badan, waa lagu safraa, waa la rartaa, waa lagu dhaansadaa, waa la rakuubsadaa, qalabkaa lagu rartaa, iwm.... akhri
Baafin: shugri axmed xirsi

Xaliimo Axmed Husein
baro: HTML IYO CSS
Shahrukhan: warbixin
shahrukhan
Salman khan oo xabsiga loo taxaabay
Xuquuqda Boggani xafidan © www.somalilandtalk.bravehost.com