Baafin:: Shugri Axmed Maxamed xirsi

waxa la baafinayaa Shugri Axmed Maxamed Xirsi" oo uu aabaheed ku magac dheer yahay Axmed Bishaar".

aabaheed shugri waa Mareexaan waliba reer diini, waxana la yidhi waxa uu ku nool yahay wadanka ingiriiska (england) waliba magaalada London.

Shugri Axmed Maxamed Xirsi waxa baafinaysa hooyadeed Xaliimo Axmed H.Husein  xaliimo axmed husein:: baafin shugri



Halimo Axmed Husein.

Hadaba hooyadan dhiban ee uu sawirkeedu indiin muuqdo waxa inanteeda yar ugu danbaysay iyada oo yar, oo ku dhalatay wadanka somalia gaar ahaan caasimada Muqdisho sanadkii 1988. Waxaa inantaa(gabadhaa) watay Aabaheed (waa axmed bishaare).

In manka waxa lagu sheegay in ay inantaa yari joogto wadanka Germany gaar ahaan magaalada Bond . Aabaheedna waxa lagu sheegay in uu joogo wadanka England gaar ahaan magaalada London .

Hadaba Xaliimo waa hooyo dhiban oo inanteeda yar aad ugu baahan, waayo ma aysan arag tan iyo markii laga kaxaystay oo ay kaxaysteen aabaheed iyo eedooyinkeed.

Xaliimo waxay joogtaa Wadanka Somaliland Gaar ahaan caasimada oo ah Hargeisa , waxa aad xaliimo kala soo xidhiidhi kartaa lambaradan oo kale ah.

0025224411709 Moblie.
iyo 0025224410465. oo isna ah mobile.
002522827945 Line.

Hadaba waxa umada soomaaliyeed ee qurbaha ku nool si naxariisleh looga codsanayaa in ay nala soo xidhiidhaan hadii ay dadkaa aan soo sheegnay yaqaanaan. waliba inanta (gabadha) yar ee Shugri waxa ay joogtaa ayaa la yidhi Gemany waliba magaalada Bond.

Aabaheedna waxa lagu sheegay dalka ingriiska (england) magaalada London.
Fadlan hadii kale Emailkan ku soo dir wixii akhbaar ah xuuto_2005@hotmail.com


ama wali335@gmail.com

Jawaab Deg-Deg ah ayay idinka sugaysaa hooyadaa dhibani.

ku laabo kor

Maxamuud maxamed yusuf
E-mail:wali335@gmail.comorxuuto_2005@yahoo.com
Hargeisa, Somaliland.

dib u noqo