hargeysa.byethost13.com

ku soo dhawoow hargeysa.byethost13.com:: By. Maxamuud Maxamed Yuusuf

[an error occurred while processing this directive]

guryaha maka

Somalitalk.com

Aqoonkaal.com

Somalilandedu.com

Allgedo.com

Batalale.com

Burao-online.com

Awdelnews.com

Baligudle.com

Redsea-online.com

Warqabad.com

Somalinet.com

Somalimedia.com

Wordsom.com

Wariye.com

Somaliweyn.com

Qaranimo.com

Qorahay.com

Islamic Links

Qaandisiya.com

Addacwah.com

Altaqwaa.com

Boqolsoon.com

Quran.com

Suugaan Links

Aftahan.com

Golkhatumo

Doollo.com

Hoyga suugaanta

Wararka

Jazeera.net

BBCsomali.com

Dayniile.com

Golisnews.com

Sooyaal.com

CNN.com

Skynews.com

Somaliweyn.com

Audio

BBC-Somali 11:00

BBC-Somali 14:00

BBC-Somali 18:00

Radio Hargeisa

Radio Horyaal

Radio Shabeele

Radio Waaberi

Radio Golis

Radio Somaliland

Warya Tv

wararka aljazeera

Qaranka England iyo dhacdadii xanuunka badnayd ee Croatia

england vs crotiaBoqolaal kun oo ka mid ah Taageerayaaasha xulka kubbada cagta ee qaranka England ayay u qaadan waa ku dhacday, ka dib markii ay ogaadeen in ay ka hadheen koobka qaramada yurub ee 2008.

Arintan niyad jabka iyo walaaca ku reebtay xulka England iyo taageerayaashooda ayaa ka dambaysay natiijadii ay ku dhamaatay ciyaartii dhexmartay iyaga iyo qaranka Croatia oo ka dhacday Garoonka Wembly ee England.

Qaranka England iyo taageerayaashooda ayaa todobaadkii hore siwayn u dabaal degay ka dib markii laga badiyay xulka Ruushka, oo ay rajadoodu ku xidhnayd, balse sheekadu waxay faraha ka baxday ka dib markii habeen hore gurigooda loogu yimid, isla markaana ilbidhiqsiyadii ciyaarta ugu horeeyayba jawigii isbadaley, taasi oo horseeday in daqiiqadii 8aad xulka Croatia dhashadeen goolkoodii ugu horeeyay, goolkaasi oo uu lahaa Kranjcar.

crotia

Isla daqiiqadahaasi waxay isku dayayeen xulka England in ay si dhakhso ah u dhaliyaan goolka sinaanta, balse waxaa ka lumay fursado badan, kubbaduna si tartiib-tartiib ah ayay ugu sii durkaysay goolkooda, lix daqiiqo ka dib ayaa kooxda crotia oo iyagu marti ahaa u dabaaldageen goolkoodii labaad, goolkaasi oo uu dhaliyay daqiiqadii 14aad ciyaartoyga lagu magacaabo Olic ee qaranka Croatia. Arrintani waxay ku noqotay boqolaalkun oo England ah iyo taageerayaashooda u qaadan waa, tababaraha xulka qaranka England McClaren ayaa u muuqday mid aad u argagaxsan, cimilada garoonka ayaa iyaduna aad u kharibnayd, halkaasi oo roob ka da'ayay. Waxaa aamusay oo juuqda gabay tarabuunadii garoonka ee aad moodaysay in lagu sharaxay calanka England.

Isla haafkii danbe ee ciyaarta, waxay labada dhanba kolay ku soo talo galeen inay dardarta kordhiyaan. Lampard ayaa qaranka England u dhaliyay goolkoodii ugu horeeyay qaranka England daqiiqadii 56aad, goolkaan oo ay badi taageerayaasha England filayeen inuu yimaado bilawgii ciyaarta ayay haddana u sacabiyeen. Qaranka England ayaa haatan u muuqday inuu iska dhiciyay Croatia waxa laga sugaana uu yahay goolkii bar-baraha. Taasina waxay dhacday ciyaartooy markii uu daqiiqadii 65 uu goolkii labaad ee Enland uu dhaliyay Peter Crouch. Sidaasna natiijadii ciyaartu waxay dib ugu noqotay 2-2. waxaana laga kala degay taageerayaashii England ee argagaxa waynu ku habsaday. Laakiin waxaa la yidhi guul lagaaga danbeeyaa guul maah'e qaranka Croatia ayaa dhashaday goolkoodii saddexaad daqiiqadii 77aad, marlabaadna sidaasi ayay hogaankii ciyaarta u qabteen.

Haddaba maxay ku dhamaatay ciyaartii, siidhi wadihii ciyaarta ayaa iclaamiyay inay ciyaartii dhamaatay natiijadiina noqotay (Croatia 3-2 England). waxaana bilaabmay damaashaadkii dadweynaha Reer Croatia iyo caloolyawgii Reer Englanddavid bekchamWadamada ka soo baxay is reeb reebkii euro 2008 waxaa ka mida, kooxaha Poland, Portugal oo ka soo baxay G.A, Greece, Italy,France oo ka soo baxay G.B, Turkey oo ka soo baxay G.C C.republic. Germany oo ka soo baxay G.D Croatioa iyo Russia oo ka soo baxay G.E iyo Romania iyo Netherlands oo ka soo baxay Guruub G.

Wq: Maxamuud Maxamed Yuusuf
Email: wali335@gmail.com
Email: Xuuto_2005@hotmail.com

Faafin: Hargeysa.byethost13.com Nov : 25: 2007

michael Ballack oo lagu rajo weyn yahay inuu dib ugu laabto Chelsea

michael ballackCiyaartoyga khadka dhexe uga ciyaara Qaranka Jarmalka iyo kooxda Chelsea Michael Ballack ayaa aad loogu rajo wayn yahay in uu dib ugu soo laabto kooxda Chelsea oo uu ka maqnaa tan iyo markii uu dhaawac halis ahi soo gaadhay bilawgii xili ciyaareedka. Ballack oo ay la soo darseen dhaawacyo isdabo joog ah, ayey rajadiisu tahay in uu dib u hawlgalo inta ka horaysa sanadka cusub ee 2008. Michael waxay ahayd ciyaartiisu ugu danbaysay ee uu saftaa, ciyaar dhexmartay kooxdiisa Chelsea iyo kooxda Newcastle, wakhtigaasi oo uu law ka cawarmay.

michael ballackSi kastaba ha ahaato'e waxa uu ciyaartoygu ku rajoweyn yahay inuu soo galo garoonka Stamford Bridge mustaqbalka dhowe. "Waxaan soo samaynayay horumar weyn. Wiigii hore waxaan sameeyay tababar, Waxaanan qorshaystay inaan ciyaaro ugu dambayn December" sidaas waxa u sheegay TV ga laga leeyahay Jarmalka Michael Ballack. Waxaanu intaasi ku daray "haatan ma cayimayo muddada dhabta ah ama ciyaarta aan safan doono. ee waxaan eegayaa kolba horumarka aan ka gaadho dhanka caafimaadka wiig to wiig". Soo noqoshada ayaa guulweyn iyo hiil fiican u noqon doonta kooxda Chelsea. Madaama oo ay bisha January kooxdaasi ka tageyaan ciyaartoyda Afrikaanka ah, kuwaasi oo ka qayb qaadan doona koobka qaramada Afrika ee 2008 lagu qabanayo wadanka Chana.

Faafin: Hargeysa.byethost13.com Nov 25. 2007

Kaka waxa uu ku guuleystay abaalmarinta Ballon D'Ore'

kakaSaxaafada Dalka Talyaaniga, ayaa sheegtay in abaalmarinta Ballon D'ORE ee sannadkan 2007 uu ku guuleystay laacibka khadka dhexe ee kooxda AC milan "Kaka". Kaka ayaa ku guuleystay abaalmarinta Ballon D'Ore oo la guddoonsiiyo laacibka ugu wanaagsan adduunka, kadib markuu ka soo dhexbaxay cod loo qaaday ciyaartoy farabadan oo ka kala socday daafaha dunida.

kaka

Jariirada Corriere dello sera, ayaa sheegtay in maamulayaasha billada abaalmarinta ciyaartoyga ugu wanaagsan adduunka (Ballon D'Ore) ay kaka o8 wargeliyeen in uu isu diyaariyo xaflada abaalmarinta ee la qaban doono 2-da bisha December. Kaka ayaa horay ugu guuleystay ciyaartoyga sannadka ee ugu wanaagsan Yurub, kadib markuu xilli-ciyaareedkii ina waydaartay uu kooxdiisa u horseeday inay gacanta ku dhigaan koobka horyaalka kooxaha Yurub iyo isaga oo noqday ciyaartoyga ugu goolal dhalinta badan intuu socday tartanku, taas oo uu dhaliyay 10 goal, sidoo kalena wuxuu bishii Augost ee sanadkii hore ku guulaystay ciyaartoyga ugu wanaagsan Yurub ee dhinaca weerarka. Kaka oo 25 jir ah, ayaa sanadkii 2003-dii ku biiray kooxda uu hada u safto ee Ac Millan, kadib markuu ka soo wareegay naadiga ka dhisan dalka Brazil ee Sao paulo.

Zidan iyo Ronaldo oo markii ugu horaysay lagu arkay Spain

zidan and ronaldo (Hargeysa.byethost13.com:: nov 26. 2007)Xidiga AC Milan Ronaldo iyo xidigii ciyaaraha ka fariistay ee Zinedine Zidane ayaa markii ugu horeysay dib ugu soo laabtay dalka Spain laga soo bilaabo tan iyo xilligii ay u ciyaarayeen kooxda Real Madrid, iyagoo xalay halkaa ku yeeshay kulan ay kala hogaaminayeen labadooda (Ronaldo Vs Zidane) taasoo ku saabsaneyd ciyaar kaalmo loogu ururinayay dadka ku gaajeysan aduunka oo loogu magac daray (United Nations Charity Match).

Ku dhawaad 30,000 taageerayaal gaaraya ayaa ciyaartii bishan 22 ka soo qayb galey taasoo ahayd ciyaartii 5aad ee ay UN soo qabanqaabiyaan lagulana dagaalamayo faqiirnimada iyo Gaajada Aduunka (Match Against Poverty).

Ciyaartan waxaa si gaar ah usoo agaasimay legens Zinedine Aidane iyo Ronaldo taasoo qeyn ka ah shaqadooda ay u hayaan hayada xaga horumarinta u qaabilsan UN-ka ee UNITED NATIONS DEVELOPMENT PROGRAMME (UNDP).

Former France Captain iyo Real madrid Star Zidane iyo Brazil Stiker Ronaldo, ayaa waxay hayadaasi ka yihiin Goodwill Ambassadors for the UNDP, waxeyna shaqadaasi soo wadeen tan iyo 2003. Dadkii u soo daawasho tagay ciyaartaasi ayaa lacag u dhaxeysay 10 ilaa 25 Euros ku goostay Tickets ay ciyaartaasi ku soo galeen taasoo u dhaxeysay labo team oo lookala bixiyay "Friens of Zidane" iyo "Friens of Ronaldo" waxeyn ku soo idlaatay 2-2.

Xidiga 7 marku ku guuleystay ciyaarta loo yaqaan Formula One Champion Michael S Chumacher iyo xidiga ciyaarta Golfer Sergio Garcia ayaa ciyaarta xalay ciyaarayay sidoo kale. Aad baan u daalay' Sidaasi waxaa ku kaftamay Zidane markii la badalay dadiiqadii 57th. "waan sii wadi doonaa inaan sii ciyaaro ayuu ku sii darsaday'. Ronaldo, oo Madrid ka tagay bishii January ayaa kulankii ugu horeeyay xalay ciyaaray sanadkan sabo xaga dhaawaca ah.

'Aad ayaan u faraxsanahay, ciyaar la yaab leh ayay ahyed' Ronaldo ayaa sidaas sheegay markii lagu badalay Almeria' alvaro Negredo daqiiqadii 30th. Garsoore Pierluigi Collina oo talyaaniga u dhashay dalka Italy ayaa ciyaartii xalay Garsoorayay.

Faafin: Hargeysa.byethost13.com November 26th. 2007

kala soco qormooyinka kale halkan: Hargeysa.byethost13.com/sport.html

xuuto_2005@hotmail.com

Karim in Swedan
Karim in swedan
waraysi: actorka shahrukhan
atooraha shahrukhan akttarka shahrukhan: aabahay waxa uu akhrisan jiray kitaabka quraanka aniga sidaas ayuu igu bar-baariyay sii akhri
hargeysa, somaliland
buurta naaso hablood
KALLUUN DABATO
Kalluunku waa nafley dhiiq-qabow oo jaadad badan ah oo biyaha ku dhexnool; wuxuu lee yahay laf-dhabar iyo xubin la yiraahdo qoonbiyaal ama waaf oo uu ka neefsado iyo dhego yaryar. Qaar waa yaryar oo waa kalluunka dhabta ah sida tarraaqad iyo tebadiin, qaarna waa waaweyn sida libaax-badeedka iyo kuwo kale sida neberi iyo geelmaanyo.. sii akhri
Xoolaha iyo dhaqaalaha
wadanka Somaliland dhaqaalaha ugu badan ee uu ku tiirsan yahay waa xoolaha nool: noocyada xoolaha waxaa ka mida Geela, Loda, Adhiga, Iwm, waxa loogu jecel yahay Geela oo isagu ah kan ugu adkaysiga badan uguna manaafacaadka badan Sii akhri
Maxaa saamayn ku yeesha caafimaakda qofka?
Caafimaadka bulshada guud ahaan iyo gaar ahaan ayaa si wayn waxa uu ugu xidhan yahay habdhaqanka qofka shaqsiga ah, taasoo qofku ku noolaado caafimaad qab hadii habnololeedkiisu wanaagsan yahay ama uu xumaado hadii habnololeedkiisu xun yahay... Akhri

fanaanad Nimco yaasiin caraale:
nicmo yaasiin caraale Fanaanada nimco yaasiin caraale oo noqotay Burcad jaamac xirsi: sii akhri
dhirta iyo manaafacaadsigeeda
Dhirtu waxay inoo leedahay manaafacaad faro badan, haday ahaan lahayd xaga nolosha oo aynu quudano iyo xaga dhaqaalaha oo aynu ka ganacsano. sii akhri
Baafin: shugri axmed xirsi
xaliimo axmed xuseen: baafin
Xaliimo Axmed Husein
Sheeko: nimaad dhashay kuma dhalin!
Bil iyo badh ayaa ka soo wareegtay geeridii Idiris xaaskiisa, wuxuuna galabtaa dhex fadhiyay daarada gurigiisa: Aabo war-moogey, markaan ku arkaba hooyadaa ayaa qalbigayga ku maaxaysa. sii akhri
Ciid mubaarik::Kuli caam wa'antum bikhayr.
ciid mubaarik
Xuquuqda boggani waa ay xafidan tahay © www.hargeysa.byethost13.com