wardoon.tripod.com

ku soo dhawoow shabakada wardoon.tripod.com

[an error occurred while processing this directive]

guryaha maka

qaamuus english

Somalitalk.com

Aqoonkaal.com

Somalidoctor.com

Somalilandedu.com

Allgedo.com

Batalale.com

Burao-online.com

Awdelnews.com

Baligudle.com

Redsea-online.com

Warqabad.com

Somalinet.com

Somalimedia.com

Wordsom.com

Wariye.com

Somaliweyn.com

Qaranimo.com

Qorahay.com

Islamic Links

Qaandisiya.com

Addacwah.com

Altaqwaa.com

Boqolsoon.com

Quran.com

Suugaan Links

Aftahan.com

Golkhatumo

Doollo.com

Hoyga suugaanta

Wararka

bbcsomali.com

qudus

aljazeera

alarabiya

Jazeera.net

BBCsomali.com

Dayniile.com

Golisnews.com

Sooyaal.com

CNN.com

Skynews.com

Somaliweyn.com

Audio

BBC-Somali 11:00

BBC-Somali 14:00

BBC-Somali 18:00

Radio Hargeisa

Radio Horyaal

Radio Shabeele

Radio Waaberi

Radio Golis

Radio Somaliland

Warya Tv

Maalinta jacaylka aduunka ma loo dabaal dagi karaa?

maalinta jacaylka adduunka ma loo dabaal dagi karaa, oo matahay maalin mudan in loo dabaal dago?

Maalmo yar kadib waxaa nagu soo aadan maalin lagu sheego in ay tahay MAALINKA JACEYLKA ADUUNKA! Waxaasa la yaab leh in ay soo dhaweeyntaas ka qayb qaadan doonaan dad muslimiin ah, soomaali ah, oo sheeganaa in ay jecelyihiin horumarka adduunka iyo janada akhiro isla markaasna aan laga karin joojiya xusitaanka aad xuseeysaan dadka dhintay, weliba maahan qof Illaah yaqaanee waa GAAL BAQTIYAY DARTIIS WAXA HADIYADAHA, SALAAMAHA, UBAXYADA DUKAAMADA LOOGA DHAMEYEN DOONO MAALINKAAS! Bisha Febraayo 14-keeda ayaa loo aqoon-saday inay tahay Maalintii Jaceylka Aduunka (Valentine's-Day), waxaana la isku diraa Salaamo, Ubaxyo qurux-badan, iyo Hadiyado qaali ah oo ay is-dhaafsadaan Lamaanayaasha is-jecel, iyo kuwa isqaba.

Hadaba maxeey tahay ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa munaasabadan iyo Xafladaha lagu maamuuso Maalinta Caashaqa lamaanaha iyo Jaceylka dunida?.

Marka ay dhagahaaga ku soo dhaco ereygan Valentin'es waxaad markiiba dareemaysaa in magacaani macno ahaan u dhadhamayo inuu ka soo jeedo Diinta Krishtaanka ama caadooyinkii hore ee Roomaanka. Hadaba aan is-weydiino yuu ahaa Valentines? Maxaasa loo dilay, hadane loo xusaa ilaa maantay, oo looga dhex arkaa magaciisa mel walba oo jacel lagu sheegaa, xafladana ay ugu dhigaan bulsha kasta khaas ahaan dhalinyarta isjecel?. Qarnigii Sadex iyo Tobanaad, dhalashadii Nabi-Ciise kadib (Caleyhi-Salaatu-Wasalaam) ayaa waxaa jiray Boqor la dhihi jiray Calodis oo ka talin jiray Dalka Talyaaniga, boqorkaas wuxuu amar ku siiyay Dhalinyarada in aysan guursan karin, kuwaas oo ahaa Ciidan uu ku ilaashado awoodiisa maamul iyo sharafta boqortooyadiisa. Balsa nasiib darro waxaa amarkii boqor Calodis ka hor yimid oo xaq darro u arkay Ninkaan aan geeridiisii u dabaaldegaan maantay lamaanaha isjecel iyo guud ahaan dhalinyarta waa Valentine. Wuxuuna bilaabay inuu si qarsoodi ah u guursado dumar fara badan, hadaba markii ay soo shaac-baxay guurkii qarsoodiga ahaa ee Valentine, waxuu Boqorka amray in loo geeyo xabsiga lana dal-dalo Valentine.

Sida ay sheegaan dadka taariiqda Valentine yaqaana, waxaa ku dhacay xiligii uu xabsigi ku jiray Jaceyl xaad-dhaaf ah oo uu jeclaaday gabar dhalinyaro ah oo aad u qurux badneyd taasoo aheyd gabar uu dhalay Ninkii xabsiga ka talinaayay, gabadhaas oo soo booqatay waqtigii uu ku jiray xabsiga Valentine. Hadaba waraaq jaceyl xambaarsan oo uu ku saxiixnaa Valintines kadib markii la dal-dalay ayaa laga helay qolkii uu ku xirnaa, warqadas oo ciwaan kaga dhigay"Ka socoto Valentinkaagii" wixii maalintaas ka dambeysay si loo xuso sanad-guuradii ka soo wareegtay markii la dal-dalay Valintines oo ku beegan 14-ka Bisha Febraayo 271-sano dhimashadii Nabi Ciise kadib ayaa la go,aansaday in la xuso maalintan oo kale, oo la is dhaafsado ubaxyo, salaamo iyo hadiyadu qaali ah, ilaa heer ay gaartay in ay noqoto maalin lagu cabiro lamaanaha is jecel jaceylka ay isku qabaan inta uu la egyahay. Oo hadii maalinkaas qof ayaga ka mid ah hilmaamo loo micneeynaa inuusan jaceyl heeynin oo sheeganaayay.

Marka laga hadlaayo arimaha Jaceylka waxaa dhacda doodo aan xal loo helin, inta badan waa la isku maan dhaafaa, maadama aan la aqoonin sida loogu macneeyn lahaa loona fahansiin lahaa dadka aan weli jaceyl jaribin, oo jaahilka suuq jooga ah iska ah, dareenka ay sheeganaayaan lamaanayaasha isjecel, sida farxada, macaanka, murugada iyo xanuunka ay isla wadaagaan, hooygana u yihiin maalin iyo habeen hadii ay is waayaan. Jaceyl inuu jiro dadka intooda badan waa isku raacsanyihiin, loona dhinto, inkastoo la isku qilaafsanyahay inuu jaceyl weligiis jiri doono oo labada qof oo jaceylka isku guursaday ay waligood ahaan doonaan laba isjecel in geeri iyo qaddar Rabi kala geeyaan maahane. Taas oo jirta hadane Lamaanayaasha dunida isku jecel ayaa aaminsan in Jaceyl Biro fujin, Biyana kaa dhaqin! Sidoo kale in waqtiga isbedelkiisa qofku isla bedeli karo, oo dabeecad ahaan, feker ahaan iyo hormar ahaanba, balsaQABLIGA JACEYLKA OO MAR QAADO UUSAN BEDELI KARIN WAQTIGU WALIGIIS.

Hadaba aqiristow yaanan waxba war ku mashquulinine waxa aan doodaan kuugu soo qoraa ama mawduucaan kuula qaybsanaa ma aheeyn in aan ka doodno inuu jaceyl yahay wax jira ama aan jirin. Balsa MAALINKA JACEYL ADUUNKA MA LOO DABAAL DEGI KARAA, OO MA TAHAY MAALIN MUTEYSATAY IN LOO DABAAL DEGO??hadii aad aqligaaga si sax ah ugu laabatid waa MAYA, dhowr sababood daraadood:

1) Horta hadii aan nahay umad islaam ah waa in aan ka soo horjeesano tilaabo walba oo ay qaadaan dadka ah KARISTANKA IYO YAHUUDA, oo waa in aan qiimeeynin waxa ay qiimeeyaan iyo waxa ay buunbuunshaan, maadaama aan kala nahay dad aan diin ahaan iyo dhaqan ahaan waxba iskugu darsaneen Adduunyo iyo Akhirane aan isku wax ka sugeeynin.

2) Nin gaal ah maalinkii oo baqtiyay in lago farxo, oo hadiyado la is dhaafsado, jaceylna la isku muujiyo, oo lamaana kasta ay si gooni ah u qaddariyaan, taas oo micnaheedo yahay in ninkii (Valentinis) baqtiyay la xusaayo, oo laga xunyahay daldalkiisii. Taasna diinteena wanaagsan oo islaamka ah ma ogola, oo waa mamnuuc in aad gaal xustid u ooy ama u qosole.

3) Umadda islaamka ah waxeey leeyihiin maalmo ay si gooni ah u xusaan sida: Ciid ramadaan, Ciid Adxaa, (xajka kadib), iyo asbuuc kasta maalinka jimcaha, oo shaqada iyo iskuulaadka nasiino laga qaadanaayo. Intaas waxaa dheer in faamil/reer kasta iyo waddan kasta ay leeyihiin maalmo ay si gooni ah u qaddariyaan, hadiyado iyo xafladane u wada dhigtaan. Hadii xaflada famil u gooni noqon karta aan ttusaale ka soo qaato waxeey noqon kartaa: Malinkii ay lamaanaha is qaba isguursadeen/jaceylaadeen, dhalashadii ilmahooda iwm. Dal ahaan waxaa loo wada dabaal dagaa maalinka uu dalkeena xoriyada qaatay oo kale. Marka in aad adiga sameeysatid maalin kale oo aan soomaali hadii aan nahay aan dhaqan ahaan u aaminsaneen, xaqiiqa ahaane aan reer Galbeed ugu nimid, kaaga daranta aan sal iyo baar meel ay diinteen ugu taalo la arag, lana aqoonin waa bidco, kaana mamnuuc ah hadii aad tahay qof islaam ah. Rasuulkuna waxuu yiri S.C.S.W. asigoo waxyaabaha aan anago sameysanay nooga digaaya:"Bidca kasta waa baadi, baadi kasta Naarta ayaa la gelinaa."

4) Valentine waxaa loo dilay inuu ka soo horjeestay sharcigii waddankiisa. Waxa uu sharcigaas ku dunshayna waxaa la sheegay inuu yahay jaceyl oo u qaaday dumar fara badan oo guursaday. Dadka is jecel waxeey ku doodaan maantay in qof walba hal qalbi leeyahay, markii sidee ku suurtagashay in Valentine oo lagu tilmaamaa inuu ahaa aabahii jaceylka inuu jeclaado waxaas oo dumar, weliba wada guursaday? Soo lama dhihi karo Valentine naftiisa ayaaba ahaa cadawgii jaceylka waa hadii dhab loo aaminsanyahay in uusan jirin qof laba qalbi leh? Soo lama dhihi karo ninkii tumashada iyo baahida jinsiga in si qarsoodi ah lagu kala dhameysto sharciyeey waxuu ahaa ninka maantay looga mahadinaa in jaceyl jiro (Valentine'a day)? Suaalahaan waxeey quseeyaan, oo aan ku baraarujinaa dadka ku guda jira, una dooda in jaceyl yahay wax dhex mara laba qof oo kaliya, hadii qof sadaxeysane, tumasha/saaxiibtinimo amaba guur ha ku imaato qofka sadaxaade uu jaceylkii loo yahay qofkii hore meesha ka baxay, weliba qiyaano iyo daacad la'aan tii ugu weeyneed isku bedelay jaceylkaas.

Hadaba walaalaha muslimeenta ahow is dhowra, inta Illaah inku waajibiyana ka soo baxa marka hore, intaas ayaaba howl iyo dhib inkugu aadee, oo aan hubaa in maantay inteena badan khaas ahaan dhalinyarada wiilasha iyo gabdhaha iskugu jiro weey ku adagtahay ineey ka soo baxaan waajibaadka Illaah saaray. Mana ahan, waana maan gaabnimo iyo axmaqnimo tii ugu danbeysay weliba ineey ku gagabtaan wax aan la idin dirsanin, ajar iyo xasanaad midna inkugu jirin ineey danbi, carro Rabi iyo cadaab aakhiro idin horseedo maahane.

La jeclaaw nooolaha iyo khaas ahaan muslimiinta WANAAGA ADDUUN IYO JANADA AKHIRO OO AAD NAFTAADA LA JECESHAHAY, KAGANA DIG XUMAANTA IYO CADAABKA RABI WEEYNINKIISA, SOO XASUUSI SIRAADKII AAKHIRO!.

DIGNEEN:Shaqsi ahaan waxaan dhalinyarta kaga digaa xusitaanka maalinkaas, weliba waxaan u sheegi lahaa in jaceylkooda dartiis ay imaankooda ku weeyn doonaan, qof aan imaan laheeyn wa qof aan diin laheeyn. Maalinka Valentine aysan jaceylkiina iyo guurkiina waxba ku soo saaidin doonin in ay inka dhumiso ubax jaceyl oo aad horay u wada fiirsaneyseen maahane. Waa mahadsantahay Aqriste, fadlan ka dhiibo ra'yigaaga, yeeysan kula noqonin in aan diyaar loo aheeyn in laga jawaabo sualaahaaga shaqsiga ah. Igala soo xariir imailkaan:

Qore:Ifraax Yuusuf A.G.(Ifka)
Email:samsam_1989@hotmail.com
Faafin:: wardoon.tripod.com 11.febraury.2008.

FG: Fikrada qoraalkani waxay gaar u tahay qoraaga ku saxiixan oo kaliya.

kor u noqo

Qudhaanjo dad cun ah
ibraahin mahamed hassan
khaladkii ugu waynaa ee cadaalada
james
Benazir bhutto oo la dilay
benazir bhutto oo la dilay
waraysi: actorka shahrukhan
atooraha shahrukhan Jilaaga india shahrukhan: aabahay waxa uu akhrisan jiray kitaabka quraanka aniga sidaas ayuu igu bar-baariyay sii akhri
hargeysa, somaliland
buurta naaso hablood
KALLUUN DABATO
Kalluunku waa nafley dhiiq-qabow oo jaadad badan ah oo biyaha ku dhexnool; wuxuu lee yahay laf-dhabar iyo xubin la yiraahdo qoonbiyaal ama waaf oo uu ka neefsado iyo dhego yaryar. Qaar waa yaryar oo waa kalluunka dhabta ah sida tarraaqad iyo tebadiin, qaarna waa waaweyn sida libaax-badeedka iyo kuwo kale sida neberi iyo geelmaanyo.. sii akhri
Xoolaha iyo dhaqaalaha
wadanka Somaliland dhaqaalaha ugu badan ee uu ku tiirsan yahay waa xoolaha nool: noocyada xoolaha waxaa ka mida Geela, Loda, Adhiga, Iwm, waxa loogu jecel yahay Geela oo isagu ah kan ugu adkaysiga badan uguna manaafacaadka badan Sii akhri
Maxaa saamayn ku yeesha caafimaakda qofka?
Caafimaadka bulshada guud ahaan iyo gaar ahaan ayaa si wayn waxa uu ugu xidhan yahay habdhaqanka qofka shaqsiga ah, taasoo qofku ku noolaado caafimaad qab hadii habnololeedkiisu wanaagsan yahay ama uu xumaado hadii habnololeedkiisu xun yahay... Akhri

fanaanad Nimco yaasiin caraale:
nicmo yaasiin caraale Fanaanada nimco yaasiin caraale oo noqotay Burcad jaamac xirsi: sii akhri
dhirta iyo manaafacaadsigeeda
Dhirtu waxay inoo leedahay manaafacaad faro badan, haday ahaan lahayd xaga nolosha oo aynu quudano iyo xaga dhaqaalaha oo aynu ka ganacsano. sii akhri
Baafin: shugri axmed xirsi
xaliimo axmed xuseen: baafin
Xaliimo Axmed Husein
Sheeko: nimaad dhashay kuma dhalin!
Bil iyo badh ayaa ka soo wareegtay geeridii Idiris xaaskiisa, wuxuuna galabtaa dhex fadhiyay daarada gurigiisa: Aabo war-moogey, markaan ku arkaba hooyadaa ayaa qalbigayga ku maaxaysa. sii akhri
Xuquuqda boggani waa ay xafidan tahay © http://wardoon.tripod.com