hargeysa.byethost13.com

ku soo dhawoow hargeysa.byethost13.com:: By. Maxamuud Maxamed Yuusuf

[an error occurred while processing this directive]

guryaha maka

Somalitalk.com

Aqoonkaal.com

Somalilandedu.com

Allgedo.com

Batalale.com

Burao-online.com

Awdelnews.com

Baligudle.com

Redsea-online.com

Warqabad.com

Somalinet.com

Somalimedia.com

Wordsom.com

Wariye.com

Somaliweyn.com

Qaranimo.com

Qorahay.com

Islamic Links

Qaandisiya.com

Addacwah.com

Altaqwaa.com

Boqolsoon.com

Quran.com

Suugaan Links

Aftahan.com

Golkhatumo

Doollo.com

Hoyga suugaanta

Wararka

bbcsomali.com

qudus

aljazeera

alarabiya

Jazeera.net

BBCsomali.com

Dayniile.com

Golisnews.com

Sooyaal.com

CNN.com

Skynews.com

Somaliweyn.com

Audio

BBC-Somali 11:00

BBC-Somali 14:00

BBC-Somali 18:00

Radio Hargeisa

Radio Horyaal

Radio Shabeele

Radio Waaberi

Radio Golis

Radio Somaliland

Warya Tv

Benazir Bhutto oo la dilay

benazir bhuttoRaiisal wasaarihii hore ee dalka Pakistan Benazir Bhutto ayaa daqiiqado ka hor geeriyootay kadib markii qof naftii hure ahi (suicide) uu isku qarxiyay goob fagaare ah oo ay khudbad ka jeedinaysay

Dhaqaatiirtii qaliinka ku samaynaysay Benazir Bhutto ayaa xaqiijisay dhimashadeeda, waxaana sidoo kale goobta fagaaraha ku geeriyooday 13 qof oo ka mid ahaa taageerayaasheeda.

Gobolkii ay ku dhalatay Benazir bhutto ayaa waxaa isugu soo baxay dadwayne cadhaysan, iyagoo bilaabay in ay weerar la beegsadaan goobaha fariisinka u ah dawlada Pakistan, waxayna dadku ku qaylinayeen (Benazir Bhutto waxa dilay madaxwaynaha dalka Pakistan Musharaff).

Madax faro badan oo katirsan aduunka ayaa dhaleecayn u soo jeediyay kuwii ka danbeeyay dilkii loo gaystay haweenaydan, waxayna ka codsadeen dawlada Pakistan in la magacaabo gudi baaritaan ku sameeya falkii lagu qaarajiyay haweenaydii caanka ka ahayd dunida muslimka iyo dhamaan beesha caalamka (Marxuumad Benazir Bhutto).

WQ: Maxamuud Maxamed Yuusuf.
Email: wali335@gmail.com
xuuto_2005@hotmail.com

Muran ka taagan qaabka loo dilay Benazir Bhutto

benazir bhutto2Ehelada Reysalwaasirihii hore ee dalka Pakistan Benazir Bhutto iyo taageerayaasheeda ayaa ku dooday in aanay waxba ka jirin hadal ka soo yeeray dawlada Pakistan oo sheegaya inay Benazir u dhimatay dhaawac ka soo gaaray markii ay madaxa ku dhufatay baabuurkii loola cararay qaraxa markii uu dhacay.

Afhayeen u hadley dawlada Pakistan ayaa sheegay inay u dhimatay Benazir Bhutto,kadib markii ay si xun madaxa oogu dhufatay gaarigeeda,iyadoo ka cararaysa qaraxii ka dhacay goobta,balse taageerayaasha ayaa ku adkeysanaya inay u dhimatay dhaawac luqunta ka soo gaaray,rasaas uu la beegsaday qof naftiiisa qarxiyay,kadib markii uu hubsaday rasaastii uu la helay marxuumada.

Taageerayaasha ayaa sheegay intii aan la dilin haweeneydan,waxay qaar ka mid ah ciidamada sirdoonka ee dalka Pakistan ku eedeysay inay ku lug-lahaayeen isku-day dil oo ay ka bad-baaday bishii Oktoobar.

Hogaamiye-sare oo ka tirsan mucaaradka Madaxweyne Musharaf oo lagu magacaabo Amir Khan ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in Madaxweyne Musharaf iyo dawladiisa ay dareemeen miisaanka siyaasadeed ee Benazir Bhutto ay ku laheyd shacabka Pakistan dhexdiisa,kadibna ay iska indhotireen inay ilaaliyeen amaankeeda.

Murankaan soo dhex-galay taageerayaasha iyo dawlada Pakistan ee ku saabsan habkii ay u dhimatay Benazir Bhutto,ayaa waxaa mar-dhaw saxaafada loo soo bandhigay cajal laga duubay goobtii ay ku geeriyootay haweeneydan,oo muujinaya habkii ay u dhimatay.
Fadlan dhawaan ayaan ku soo darayna Videoga cilad jirta awgeed oo aanuna hada ku soo dari karin

Taariikhda Bhutto iyo xaalada Pakistan

Benazir Bhutto ayaa maanta aas qaran loogu sameeyay magaaladii ay ku dhalatay ee (Sindh),waxaana qabriga dushiisa soo xaadiray kumanaan-kun oo taageerayaasheeda ah iyo ehelkeeda oo murugeysan.

Aasitaanka Benazir ayaa ku soo aadaya xili ay rabshado hareeyeen magaalooyin badan oo ka tirsan dalka Pakistan,iyadoo la gubay xarumo badan oo ay ka mid yihiin,Bangiyo, dhismayaal-dawladeed,Petrol-Staions,iyo gawaari lagu qiyaasay 200,ilaa iyo hadana waxaa si xawli ku socda mudaaharaad wato rabshado.

Marxuumad Benazir ayaa ku riyooneysay inay mar uun Madaxweyne ka noqoto dalka Pakistan,iyadoo aheyd qof aad oogu dhaga-nugul danaha reer galbeedka,balse riyadeedii ayaa dhamaatay maalinamadii shaleyto aheyd. Waxaa xusid mudan in Benazir Bhutto lagu aasayo goob u dhaw qabrigii Aabaheed oo Madaxwenye isagoo ah,la dal-dalay sanadkii 1979-kii,kadib markii afgambi milateri wadanka uu ku qabsaday Madaxweynihii la oran-jiray Ziyaa-ul-Xaq.

Sidoo kale walaalaheed oo iyagana lagu dilay arimo siyaasadeed ayaa iyagana ku aasan goobta iyadu lagu aasay qabriyo u dhaw,waxayna qoyskaan mareen wadadii ay mareen Reer Sadam Xuseenkii dalka Ciraaq xukumay,oo iyagu maanta aysan cidna ka nooleyn,sida ku dhacday qoyska reer Bhutto,marka laga reebo caruur ay dhashay marxuumad Benazir Bhutto iyo kuwa ay eedo u tahay.

Taariikh nololeedkii Benazir Bhuto
DHALASHADEEDII IYO BARBAARIDEEDII
Benazir Dul fiqar Cali Bhuto oo kasoo jeeda qoys siyaasada kusoo jiray waxa ayna kudhalatay magaalada Kratchi ee dalka Pakistan sanadii 1953 xiligaas oo uu aabaheed ahaa madaxwaynaha dalka Pakistan Dul Fiqar Cali Bhuto isagoo todobaatamaadkiina qarnigii horana raysalwasaarre.

Waxay kuqaadatay daraasada siyaasada iyo dhaqaalaha jaamacadaha Oxford iyo Hardford waxa ayna guursatay sanadii 1987. Asif Cali Zardaray oo xubin ka ah balmanka dalka oo u dhashay sadex caruur ah. Sanadii 1989 waxay ay soo saartay buug ay kaga hadlayso nolosheeda ay soo martay maadaama ay waxbadan kunoolayd wadamada reer galbeedka aabaheedna uu ahaa nin door wayn kuleh siyaasada dalka Pakistaan buugaas oo ay u bixisay (GABADHII QADAR ).

Nolosheedii Dhanka siyaasada
Waxay ay kusoo laabatay dalka Pakistan sanadii 1977 waxayar kahor intii uu san dhicin inqilaab lagu afganbiyay aabaheed kaas oo uu hogaaminayay General Diya Ul Xaqq kadibna soo qabtay aabaheed waxaana ladilay aabaheed sanadii 1979. Wixii intaas kadanbeeyay waxa ay goosatay Benazir Bhuto inay kabaxdo dalka kumana aysan soo laaban dalka ilaa uu dhintay Diyaa Ul Xaqq oo uu kudhintay shildiyaarad sanadii 198 Sadex bilood kabacdi markay xaqiijisay dhimashadii Diya Ul xaq ayay dalka kusoo laabatay waxa ayna ugu soo laabatay si ay u hogaamiso xibiga (ppp) Pakistan Peaple Party ee uu aas aasay aabaheed sanadii 1967.

QABASHADII XILKA RAYSALWASAARANIMADA

Kadib markay kuguulaysteen xisbiga ay hogamainaysay Benazir Bhuto ee ( PPP) codad aad u yar doorashooyinka barlamaanka. Isla sanadii 1988 ayaa u sahashay inay qabato xilka raysal wasaaranimada ayadoo markaas dadeedu ahayd 35 isla markaasna noqotay haweenaydii ugu yareed ee qabata xilka raysal wasaare ee da yar iyadoo isdoo kale noqotay haweenaydii ugu horaysay ee dal islaam ah xilkan oo kale kaqabata casrigaan.

DHicidii Xukuumadeeda

Mudo yar kadib waxaa hareeyey xukuumadii Benazir Bhuto dhaqaalo xumo ay wax kaqabanwayday iyo waliba siyaasad xumo taas oo sabab u noqotay inuu soo saaray madaxwayne Qulaam Isxaq Khan qaraar ridaya xukuumada Benazir Bhuto. Sanadii 1990 bishii Agust ayadoo sidoo kalana xabsi sadexsano ah lagu kuxumay ninkeedii (1990-1993) isagoo xiligaas ahaa wasiirka maalgashiyada dibadda kadib markii lagu soo eedeeyay lunsi lacago.

Soo noqoshadeedii xukuumada marlabaad

Sadex sano kadib Benazir Bhuto waxay ay kusoo laabatay xafiiskeedii kadib markii uu kuguulaystay xisbigeedu doorahsooyinkii dalka kadhacay october sanadii 1993 waxayna marlabaad noqotay raysal wasaaraha dalkaasi laakiinse nasiib daro ma aysan sii joogin xafiiska raysal wasaaraha kadib markii uu soo saaray madaxweyne Faaruuq qaraar laga eryayo xafiiska Benazir Bhuto oo algu soo eedeeyay xukuumadeeda lunsi dhaqaale iyo waliba dalkii dhaqaalihiisii oo hoos u dhac wayn uu ku yimid taas oo lagu casilay xukuumadeeda mar labaad laguna eedeeayay ninkeeda qaadasho laaluush iyo waliba ku tigri falid hanti uu dalku lahaa.

Soo noqoshadeedii ugu danbaysay

Benazir Bhuto oo mudo gaaraysa 8 sano kamaqnayd dalka Pakistan ayaa dib ugu soo laabatay dalkeeda 18 october ee sanada 2007 kadib markuu u fidiyay madaxwayne Barvez Musharaf cafis.

Dilkeedii

27 December 2007 ayaa ladilay Benazir Bhuto kadib markii ay dhamaysay khudbad ay ka jeedinaysay magaalada Rawal Bindi oo u dhaw magaalo madaxda dalka Pakistan taas ay isugu soo baxeen dad aad furabadan oo ah taageerayaasha xisbigeeda khudbadaas oo u ekeyd khudbadii sagootinteeda mudo yar kadib waxaa toogtay nin markii ay furtay daaqada gaari ay saarnayd oo katoogtay shafka(xabadka) iyo qoorta (cunaha,surka) taas oo sababtay inuu gaaro dhaawac halis ah isla markiina loo la cararo hospital balse ma aysan sii noolaan oo markiiba naftu waa ay kabaxday waxaana xaqiijiyay dhimashadeeda dhakhaatiirtii qaliinka kusamaynayay . Iyadoo ninkii toogtayna lasheegay inuu isku qarxiyay isla meeshii uu taagnaa iskuna qarxiyay bunbo uu watay ayadoo ay ladhinteen ilaa 13 qof iyadoo lasheegay inay kuwo kalana ay ku dhaawacmeen qaraxaas.

.

WQ: Maxamuud Maxamed Yuusuf (xuuto)
Hargeysa, Somaliland.
Email:wali335@gmail.com
Emial: xuuto_2005@hotmail.com

xuuto_2005@hotmail.com

Karim in Swedan
Karim in swedan
waraysi: actorka shahrukhan
atooraha shahrukhan akttarka shahrukhan: aabahay waxa uu akhrisan jiray kitaabka quraanka aniga sidaas ayuu igu bar-baariyay sii akhri
hargeysa, somaliland
buurta naaso hablood
KALLUUN DABATO
Kalluunku waa nafley dhiiq-qabow oo jaadad badan ah oo biyaha ku dhexnool; wuxuu lee yahay laf-dhabar iyo xubin la yiraahdo qoonbiyaal ama waaf oo uu ka neefsado iyo dhego yaryar. Qaar waa yaryar oo waa kalluunka dhabta ah sida tarraaqad iyo tebadiin, qaarna waa waaweyn sida libaax-badeedka iyo kuwo kale sida neberi iyo geelmaanyo.. sii akhri
Xoolaha iyo dhaqaalaha
wadanka Somaliland dhaqaalaha ugu badan ee uu ku tiirsan yahay waa xoolaha nool: noocyada xoolaha waxaa ka mida Geela, Loda, Adhiga, Iwm, waxa loogu jecel yahay Geela oo isagu ah kan ugu adkaysiga badan uguna manaafacaadka badan Sii akhri
Maxaa saamayn ku yeesha caafimaakda qofka?
Caafimaadka bulshada guud ahaan iyo gaar ahaan ayaa si wayn waxa uu ugu xidhan yahay habdhaqanka qofka shaqsiga ah, taasoo qofku ku noolaado caafimaad qab hadii habnololeedkiisu wanaagsan yahay ama uu xumaado hadii habnololeedkiisu xun yahay... Akhri

fanaanad Nimco yaasiin caraale:
nicmo yaasiin caraale Fanaanada nimco yaasiin caraale oo noqotay Burcad jaamac xirsi: sii akhri
dhirta iyo manaafacaadsigeeda
Dhirtu waxay inoo leedahay manaafacaad faro badan, haday ahaan lahayd xaga nolosha oo aynu quudano iyo xaga dhaqaalaha oo aynu ka ganacsano. sii akhri
Baafin: shugri axmed xirsi
xaliimo axmed xuseen: baafin
Xaliimo Axmed Husein
Sheeko: nimaad dhashay kuma dhalin!
Bil iyo badh ayaa ka soo wareegtay geeridii Idiris xaaskiisa, wuxuuna galabtaa dhex fadhiyay daarada gurigiisa: Aabo war-moogey, markaan ku arkaba hooyadaa ayaa qalbigayga ku maaxaysa. sii akhri
Ciid mubaarik::Kuli caam wa'antum bikhayr.
ciid mubaarik
Xuquuqda boggani waa ay xafidan tahay © www.hargeysa.byethost13.com